Xildhibaannada badankood oo dantooda ka dhex arkay muddo kororsi ka badan midka la hadal hayo & waxa ka dhalan kara

0

(Muqdisho) 03 Agoosto 2020 – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dhexe ee DF Somalia ayaa xalay saqdii dhexe faafiyey muuqaal ay ku baahiyeen baraha bulshada, kaas oo ay ku sheegeen in loo baahan yahay wax ay ku sheegeen ”midnimo dalka lagu badbaadinayo.”

Sida la fahamsan yahay Xildhibaannadan ayaa ah dhadhamintii ugu horreeysey ee muddo kororsi loo marayo qabashada doorasho qof iyo cod ah, waxaana la sheegay inuu qorshohoodu yahay in ay ku dhawaaqaan muddo kororsi 2 sanadood ah oo weliba ka bilaabmaya marka uu dhamaado muddo xileedkooda iminka.

Xildhibaannada ayaa la aaminsan yahay in ay eegayaan dantooda gaarka ah ee ku aaddan helitaanka 2 sanadood oo dheeraad ah, balse aanay ka fikirayn xasaradda siyaasadeed ee arrintan ka dhalan karta, isla markaana ay sababtani ahayd middii loo tuuray RW hore.

Arrintan ayaa sidoo kale imanaysa xilli uu madlan yahay kulanka DF Somalia iyo maamullada oo ujeedka loo qabanayaa uu yahay in ay dhacdo doorasho la isku waafaqsan yahay.

Dalka Somalia ayaa haatan ku jira marxalad hubaal la’aan ah oo ay abuurtay aragti ku dhisan muddo kororsi ay waddo madaxtooyada oo ka faa’iidaysanaysa Xildhibaannada oo dantooda arrintaa ka dhex arkay, halka ay taa diiddan yihiin maamullada iyo madaxda mucaaradku, waana arrin halis ah marka la eego sida aanu dalku u lahayn nidaam dhexe.

Hadalsame Media