Haddii Trump soo noqon waayo & waxa ay uga dhigan tahay Amiirrada Sucuuciga & Imaaraadka oo dalal badan kabaha kula tuntay!

0

(Hadalsame) 03 Agoosto 2020 – Jeer ay codadka hordhaca ah ee dadka waynaha laga qaaday ee MW Maraykanka ee Donald Trump (approval rating) ay cubka ku jiraan kahor doorashada bisha Nofeembar oo uu jeclaan lahaa in la baajiyo, saaxiibadii Khaliijka gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayuu walaac badani haystaa.

Waloow ay wax badani dhici karaan hadda iyo bisha Nofeembar, misna Trump ayay ku adkaan doontaa in dib dambe loo doorto, iyadoo ay uga sii dareen qorshayaasha dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu ku wajahey durayga faafa ee coronavirus, naxariis darrada booliiska ee dadka madow koo ay dibedbaxyo uu iyagana si khaldan uga jawaabey ka dhasheen kadib dilkii f George Floyd. Marka la eego codadkii ugu dambeeyey musharraxa Joe Biden ayaa ku hoggaaminaya 50-41.

Biden oo ay u badan tahay inuu badiyo

Waloow uu Trump guulaysan karo isagoo ku guuldarraystay codadka dadwaynaha, sidii dhacday markii uu garaacay Hillary Clinton 2016-kii tiiyoo looga adkaaday codka dadwaynaha, Biden wuxuu ku horreeyaa gobollo muhim ah sida Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin, oo uu Trump sibiq ugu guuleeystey 2016-kii dhanka waxa loo yaqaan electoral college-ka. Waxaa xitaa dhici karta ay Dimoqraadigu gacanta ku dhigaan Senet-ka, taasoo noqonaysa inay wada xukumaan 3-da laamood ee dowladda, marka laga reebo garsoorka.

XIRIIRKA KHALIIIJKA – Trump ayaa sanadihii uu joogey wuxuu si la yaab leh balse si cad ugu eexanaysa u wajahayey xiriirka Carabta iyo Maraykanka, isagoo dalalka Khaliijka ugu waawayn ka dhaadhiciyey wax lagu sheegay ”heshiiska qarniga” oo kabaha kula dul socday qadiyadda iyo xitaa jiritaanka Falastiin, waxaana dalalka Khaliijka ee qorshahan la cunsiiyey looga iibsadey inay joojiyaan taageero kasta oo ay Falastiin siiyaan, si taa biddaalkeeda looga ilaaliyo Iiraan iyo ciddii xukunka ku qabsata.

Sidoo kale, wuxuu Trump u fasaxay inuu ka iibinayo hub fara badan iyadoo aan dib loo raacaynin ku tumashada xuquuqda insaanka iyo ku takri falka awoodeed, waxay taasi saaciddey dagaalka Yaman ee bilaa qorshaha ah ee weli holcaya.

Trump ayaa tijaabadii koowaadba ku baasay kaddib markii uu iska indha tiray weriyihii Jamaal Khashuuqji oo lagu dhex qalay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar 2018-kii.

Waxaa Trump laga sheegay inuu sheegay in aanu xiriirka faa’iidada dhaqaale u leh ee Sucuudiga aanu ku burburin karin raadinta cadaaladda uu mudan yahay weriye Jamaal iyo in dadka gaystey loo qabsado dembiga wayn ee dhacay.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media