Kenya oo Somalia ula dhaqmaysa sidii meel aan cidina lahayn (DF Somalia oo la xafiiltamaysa balse looga baahan yahay dhiirranaan dheeraad ah)

0

(Nairobi) 03 Agoosto 2020 – Waxaa af labadii yeeraya Jaadleeyda Kenya oo shalay markale laga celiyey Qaad ay sharci darro ku gelinayeen Somalia, waxayna ku doodayaan in ay ”khalad” tahay in Jaadkooda la celiyo.

Kenya ayaa 1-dii bishan Agoosto dib u furtay duullimaadyadii caalamiga ahaa, waxaa uuna Wasiirka Gaadiidka dalkaasi James Macharia soo saaray liiska dalalka loo ogol yahay inay kasoo degaan ama soo galaan Kenya, waxaana ka maqan Somalia, tiiyoo dalalka la fasaxay ay ka buuxaan kuwo ka kiisas badan Somalia, marka la eego dhanka Covid-19. Halkan ka akhri..

Yeelkeede, Kenya ayaa doonaysa in ay dalkeeda xirato, balse ay Somalia u furnaato oo ay iska gasho markii ay doonto, taasoo muujinaysa sida uu maamulka Kenyatta uga fog yahay waaqiciyadda. DF Somalia ayaa sheegtay inay Kenya marar badan kusoo xad-gudubtey hawada Somalia.

Beri dhexdeer ah waxaa Lamu lagu gubey kalluun ka kala yimid Muqdisho iyo Kismaayo, balse todobaadyo kaddib waxay isla Kenya sheegtay inay xadka dhankaa ka furayso kaddib markii ay u cowdeen ganacsato Kenyan ah oo ay Somalia dani uga xiran tahay.

Sidaa darteed, Kenya ayaa markasta waxay wax ka eegaysaa dhankeeda, balse waxaa arrin lagu farxo ah in uu weli Jaadku ka xiran yahay Somalia oo maanta dib u fasaxday duullimaadyada caalamiga ah, waloow ay fiican tahay in sida Tanzania oo kale la mamnuuco dayuuradaha Kenya ee Somalia imanaya, maadaama ay Kenya ka kiisas badan tahay Somalia, balse saasoo ay tahay ay Somalia ula dhaqmayso dal uu la degey cudurka karoonuhu, waloow aysan siyaasadina ka marnayn.

Si fudud, waa inaan Kenya lagu darin liiska dalalka iman kara Somalia, inta ay Kenya liiska kusoo darayso Somalia. Jaadkuna waa inuu xirnaadaa ilaa amar dambe, si kastaba.

Hadalsame Media