DABIN-SIYAASEED: MW Farmaajo oo la sheegay in uu galay qool siyaasadeed oo loo maleegey

0

(Hadalsame) 03 Agoosto 2020 – Tan iyo markii uu 25-kii bishii Luulyo uu Baarlamanka dhexe sheegay in xilkii laga qaaday RW hore ee Xasan Cali Khayrre oo isna fiidkii ku dhawaaqay inuu is casilayo waxaa soo baxayey xogo badan oo ku aaddan waxa ka dhacay daaha gadaashiisa.

Dadka qaar ayaa sheegay in Khayrre laftiisu uu doonayey inuu iska tago, balse uu hubinayey in aanu dhicin wax muddo kororsi ah, balse dad badan ayaa is waydiinaya waxa isku bedeley Dhuusamareeb iyo danta ka dambeysey.

Dad xog ogaal ah ayaa Hadalsame Media u sheegay inay MW Farmaajo balag u luleen qaar ka mid ah madaxdii uu kula kulmay Dhuusamareeb. Wararka qaar waxay sheegayaan inay u kala sheekeeyeen labada nin oo ay gooni gooni u arkeen, halka ay aragti kale qabto in kaliya Madaxwaynaha loo qurxiyey oo lagu dhiirri geliyey inuu tuuro RW, kaddibna ay arrintu fududaanayso.

Taasoo laga dhadhansan karey war uu Madaxwayne Farmaajo ka sheegay khudbadihii xiritaanka shirka oo ay madaxda qaarkood ku khudbeeyeen ”in loo kala sheekeeyey” halka uu isaguna sheegay in uu Baarlamanka kula noqon doono arrin aanu madasha ka sheegayn.

Waxaa maanta warkan xoojiyey siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo maanta mar uu ka hadlayey shirka beesha Mudullood si cad u sheegay in ”inta Dhuusamareeb laga wacay la isku diray MW Farmaajo iyo RW ay saaxiibka ahaayeen ee Khayrre oo la yiri rid”, tiiyoo uu Salaad dabcan wax badan xog ogaal u yahay oo aan warkiisa la yaraysan karin.

MUXUU U AQBALAY BEDELIDDA RW KHAYRRE?

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in MW Farmaajo loo sameeyey ballan qaad ah in lala shaqaynayo haddii uu meesha ka saaro RW Khayrre iyo in ay u sahlanaan doonto muddo kororsi loo tusay inuu hor taagan yahay isla Khayrre. Waxaana sheekada run ugu ekeeysiisay inay talo soo jeedinta noocan ah ku jireen rag aad ugu dhowaa Khayrre, sida ay xogtu sheegayso.

UJEEDKU WAA MAXAY? – Ragga sidaa kula taliyey Madaxwaynaha ayaa la dareensan yahay inuu ujeedkoodu ahaa welina yahay inay sidii dhagaxa bilyaardiga marka hore labada nin isku dhuftaan, marka uu midkood godka galana ay mid kale oo bilaa miciyo ah ay usha bilyaardiga kaligii uga saaraan kanfaska ciyaarta oo ay isagana tuuraan isaga oo dagan dadkana loo tusay nin damac badan oo uu kursi ka lumay, saaxiibkiina khiyaamay.

Rag ka mid ah kuwii kula taliyey arrintan ayaa markiiba diidey inay taageeraan qorshaha tuurista RW Khayrre oo ay sidoo kale diideen madaxda mucaaradka iyo beesha caalamka, taasoo muujinaysa in dabin siyaasadeed iyo qonof qorshaysan oo uu muddo iska jirey lala helay MW Farmaajo oo xitaa haddii uu tan ka badbaado uu durba qiyamkiisu ku dhaawacmay tillaabada lagu tuuray RW hore oo marka sharci darrada laga soo tago noqonaysa mid aysan ka dambayn ujeeddo qaran oo loo garaabi karo.

Ragga dhisay shaxda halista ah ee ciyaartan ayaa aaminsanaa inay adkaan doonto in laga wada adkaado labada nin, balse ay aad u sahlan tahay in kan soo hara la tuuro haddii iyaga lakala jebiyo oo la isku dilo marka hore, iyadoo ay ciyaartu qaybta hore ku nasatay iyadoo ku socota shaxdaas.

Hadalsame Media