”Waxaan duunyadeenna ku bixinnay Somalia oo ay dunidu dayrisay!” – Saxaafadda Kenya oo qoraysa abaal sheegasho yaab leh

0

(Nairobi) 03 Agoosto 2020 – 1-da Jannaayo, 2021-ka, Kenya waxay toos uga mid noqonaysaa 15-ka dal ee Golaha Amaanka ee QM (UNSC), kaddib markii lagu doortay kal-fadhigii 74-aad ee qabsoomay 17-kii Juun.

Kenya ayaa bedeleeysa South Africa kaddib markii ay taageero buuxda ka heshay Midowga Afrika bishii Agoosto waloow ay caqabad kala kulmaysey Jabuuti.

”Markii ay dunidu dayrisay Somalia iyo South Sudan, Kenya ayaa waxa khayraadkeeda ku bixinaysey soo noolaynta wada hadalkooda.” ayaa ka mid ahaa qoraal dheer oo abaal sheegad ah oo lagu qoray The Nation.

Kenya ayaa kursigan qabanaysa markeedii 3-aad intii ay xorta ahayd, sanadihii kala ahaa 1973-1974 iyo markale 1997-1998 ayayna horay usoo qabatay.

Kenya ayaa aalaaba ku abaal sheegata Somalia, iyadoo u dhaqmaysa sidii inay quudinaysey qaxootiga Soomaaliyeed ee waloow ay dalkaa u qexeen aan culays ku noqon dalkaase fursado cusub abuurtay kuwaasoo ay ka faa’iidaystaan Kenyan fara badani.

Kenya ayaa waloow ay isu sawirayso shimbir nabadeed, misna tan iyo 2011-kii markii ay sharci darro ku gashay Somalia waxay dabaqaysey siyaasad hujuumi iyo qaybin ah oo ka dhan ah danaha dalka Somalia.

Hadalsame Media