Xasan Sheekh & Sh. Shariif oo la garramay MW Farmaajo (Arrin ay xusuusiyeen)

0

(Muqdisho) 03 Agoosto 2020 – MW hore ee Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa u gar dhigtay MW haatan xilka haya ee MW Farmaajo mar ay ka hadlayeen shirka beesha Mudulood ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

“Bahashaan waa leesku dhiibaa waa qori tuur. Hadaan aniga iyo Siyaad Barre iyo Cabdi Qaasim sii heysan laheyn kursiga. Ka waran Xasan Sheekh iyo Farmaajo sacaaddaan madaxweyne ma noqon lahaayeen,” ayuu is waydiiyey kahor inta uusan isugu jawaabin ”Waa maya!” isagoo soo hadal qaaday inuu diidey talooyin lagu siiyey muddo kororsi ”mas’uuliyadda” oo uu dareemayey darteed.

“Shalay markii uu Madaxweyne Farmaajo guuleystay aniga iyo Xasan Sheekh garbaha ka istaaga cid nagu tiri ma jirto, ee annagaa door bidnay, haddana Madaxweyne Farmaajo sharciyad (mandate) ayuu leeyahaye, waqtigiisa ha dhameysto,” ayuu raaciyey.

“Kelmadda ah doorasho qof iyo cod waa wax sax ah, qof diidi kara ma jiro, laakiin waqtigii ay ku habbooneyd ma sheegin dowladda hadda jirta, 2016 markii waqtigeennu dhammaadka ahaa ma dhihin doorasho qof iyo cod ma qaban karno balse 2 sano kahor ayaan sii sheegnay,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay inay diyaarinta doorashada xigta bilaabeen xilligii ku habboonaa iyagoo la tashanaya dadka ay taladu kala dhexeeyso.

Xasan Sheekh ayaa xusay inay dunidu Somalia tusaale wanaagsan u aragtay markii la arkay sawirrada 3 madaxwayne oo xilka iskugu wareejinaya si nabdoon oo dimoqraadi ah.

Warkan ayaa u muuqda mid ay madaxdii hore ee dalku ay MW Farmaajo ku hoga tusaalaynayaan wadiiqada saxda ah ee ay tahay in la raaco xilligan kala guurka ah, iyaga oo mustaxiil ku sheegay in xitaa 2 sano lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah oo ah wax wanaagsan, balse aanay duruuftu saamaxaynin, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media