Jaadleeyda Kenya oo ”caraysan” kaddib markii hawada laga celiyey dayuurad kale (Dowladda Kenya oo ay markale ka dalbadeen inay kala hadasho DF Somalia)

0

(Meru) 02 Agoosto 2020 – Ganacsatada Jaadka Miroowga ee Kenya ayaa caraysan kaddib markii hawada Somalia laga celiyey dayuurad sidda 11 tan oo Jaad ah oo ku wajahnaa Puntland, Somalia, iyadoo uu duullimaadkaasi ku xad-gudbey xannibaadda loo sababeeyey Covid-19.

Waa dayuuraddii 2-aad ee Kenyan ah ee ay Muqdisho celiso muddo bil gudeheed ah, kaddib markii la celiyey mid kale oo siddey 13 tan horraantii bishii hore ee Luulyo.

Guddoonka Jamciyadda Nyambene Miraa Traders Association, Kimathi Munjuri, ayaa arrintan ka gilgishey isagoo sheegay inay dayuuraddu raacday xeerka degsan, sida uu yiri.

Mr Munjuri ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyey wax uu ku sheegay inay ”iska indha tirayaan” dhowr mar oo ay ka codsadeen inay DF Somalia kala xaajooto mamnuucidda Jaadka.

DF Somalia ayaa la sheegay in ay shatiyadii shaqo ka xayuubisay 2 dayuuradood oo Kenyan ah oo Jaad ay ka dhigayeen dawo u roon Covid-19 u tahriibinayey Somalia oo sida ay sheegeen Nyambene Miraa Traders Association, qaadata ilaa 50 tan, kuwaasoo ku kacaya Sh100 milyan oo shilin.

Somalia oo Jaadka hakisay bishii Maarso ayaa maalin dhowayd ku dhawaaqday inay soo celinayso duullimaadyada caalamiga ah berri oo Isniin ah, balse waxaan xitaa taas ku jiri doonin Jaadka oo ka mid ah waxyaabaha aan asaasiga ahayn.

Hadalsame Media