Somaliland oo ka fikirayseysa in ay Taiwan ”aqoonsato” (Xeer uu Maraykanku soo saaray oo ay ka faa’iidaysanayaan)

0

(Hargaysa) 03 Agoosto 2020 – MW Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegayaa inuu qof u dhow ku qarsaday sir ku saabsan inuu doonayo inuu sare u qaado xiriirka uu la leeyahay Taiwan.

Sida lagu qoray Somaliland Chronicle oo xiganaya ilo is qarinaya ayaa sheegay in Biixi uu amray in loo kuurgalo xeer uu dhowaan meel mariyey Koongarayska Maraykanka (TAIPEI Act), isla markaana ay eegaan faa’iidada iyo khasaaraha ku jira aqoonsi hal dhinac ah oo ay siiyaan Taiwan.

WAA MAXAY TAIPEI ACT? Shiinaha ayaa si hujuumi ah ula dhaqma dalalka isku daya inay aqoonsadaan ama galaangal la yeeshaan Taiwan, balse Maraykanka ayaa 26-kii Maarso 2020 wuxuu meel mariyey xeerka ilaalinta dalalka saaxiibka la ah Taiwan ee TAIPEI Act.

Weliba qaybta 3-aad ee TAIPEI Act ayaa si cad u dhiirri gelinaya in xiriir diblomaasiyadeed lala yeesho Taiwan iyo in laga hor tago dalalka iyo ficillada wiiqaya.

Golaha Amaanka ee Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa horay usoo dhoweeyey xiriirka Taiwan iyo Somaliland oo la ogaadey 1-dii Luulyo 2020.

Labada cillad ee ay arrintani leedahay waa inaysan Somaliland oo aan lafteedu aqoonsi haysan aysan bixin karin aqoonsi micne leh iyo in ay is bedeli karto siyaasadda jahawareersan ee Maraykanka kaddib Donald Trump.

Hadalsame Media