Maraykanka oo raraya taliskiisa AFRICOM (Dalka uu haatan ku yaallo, halka loo wareejinayo & sababta)

0
Xero ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin beelaha Grafenwoehr iyo Vilseck, Germany Nofeembar 7, 2019

(Berlin) 02 Agoosto 2020 – Taliska Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa raraya xaruntiisa dhexe oo ku talla magaalada Stutgart ee dalka Jarmanka, jeer uu Pentagon bilaabay inuu aad u dhimo ciidamada ka jooga dalkaasi.

Xero ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin beelaha Grafenwoehr iyo Vilseck, Germany Nofeembar 7, 2019

AFRICOM ayaa tan iyo markii la dhisay 2008-dii, waxaa xarun dhexe u ahayd Stuttgart, oo ah caasimadda gobolka koonfur galbeed ee Baden-Wurttemberg.

Haatan wuxuu taliskaasi eeganayaa xarun kale “oo Yurub ah sida uu dookha 1-aad yahay ama xitaa Maraykanka,” sida lagu soo sheegay war kasoo baxay AFRICOM.

Madaxa AFRICOM oo a Jeneraal ka tirsan ciidanka lugta, General Stephen Townsend, ayaa sheegaya in uu go’aanka kama dambaynta ihi ay u badan tahay inuu “dhowr bilood qaato” balse ay ka go’an tahay inay xarunta Jarmanka ka guuraan.

Pentagon ayaa sidoo kale horay u sheegay inay rarayaan Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Yurub oo sidoo kale ku yaalla isla Stuttgart, kaasoo la gaynayo Mons oo ku taalla Belgium.

Guud ahaan wuxuu Maraykanku qorsheeyey inuu 12,000 oo askari oo ka mid ah 36,000 oo Maraykanka ka jooga Jarmanka halkaa laga raro, kuwaasoo qaybo ka tirsan la gaynayo dalal kale oo NATO ah sida Belgium, Poland iyo Italy.

Jarmanka iyo Maraykanka oo aan sanadihii dambe isku fiicnayn ayay arrintani bilowgii kedo ku ahayd iyadoo ay axsaabta siyaasaddu isku khilaafsan yihiin, iyadoo ay kuwa Liberaalka ihi ka xumaadeen, iyadoo uu xisbiga Angela Merkel ee Christian Democratic Union ku tilmaamay arrin wiiqaysa NATO, yeelkeede, axsaabta muxaafidka ah iyo kuwa midigta fog ayaa ku farxay oo soo dhoweeyey.

Hadalsame Media