DAAWO: Iiraan oo markii ”ugu horreeysey” riddey gantaal Baalistig ah oo laga ganay dhulka hoostiisa

0

(Tehraan) 30 Luulyo 2020 – Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Iiraan ayaa sheegay inay rideen gantaalo baalistig ah oo ay kasoo ganeen “dhulka hoostiisa” mar ay dhoollatus ku dhigeen meel u dhow xeebaha xasaasiga ah ee Khaliijka.

Muuqaal ay faafiyeen ayaa muujinaya uuro daruur u eg oo dhulka kasoo baxaya kahor inta uusan kasoo foocin gantaal cirka loo ganay, iyadoo ay IRGC sheegeen inay tahay markii ugu horreeysey ee ay dhoollatus “noocan ah sameeyaan.”

Iiraan ayaa sheegtay inay gantaalkan u ridey “qaab gebi ahaanba qarsoon” taasoo ay sheegeen inay caqabad wayn ku noqon doonto “sirdoonka cadowga”, sida uu sheegay jeneraalka hoggaamiya ciidamada cirka Amirali Hajizadeh.

Ciidamada IRGC ayaa sidoo kale gantaalo kasoo ganay dayuuradaha Sukhoi Su-22 oo ay ku bartilmaameedsadeen meelo lasii diyaariyey oo ku yaalla jasiiradda Bani Farur ee ku taalla biyaha maxalliga ah ee Iiraan.

Hadalsame Media