AALAD ANSHAX XUMO: Maxaa kala haysta Tik Tok & gabadhihii Soomaaliyeed ee xishoon jirey!

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2020 – Min Maraykan, Turki, Maqrib ilaa Masar, waxaa aad looga sheegtay Tik Tok oo haatan ka mid ah camaaliqooyinka baraha bulshada, balse waxa lagu haysto ayaa kala duwan.

Reer Galbeedku waxay ku maagayaan inuu yahay aalad ay Beijing u adeegsato qaab ay xogo sireed ku hesho, maadaama Shiinaha laga leeyahay, waxayna u adeegsadaan qaab ay ku cadaadiyaan dowladda Shiinaha oo uu dagaal qaboow kala dhexeeyo.

MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa shalay oo ugu dambeeyey sheegay inuu qorsheynayo inuu dalkiisa gebi ahaanba ka mamnuuco Tik Tok.

Dhanka dalalka Muslimka qaar baa anshax xumo darteed sheegay inay ku haystaan iyada oo ay doodo ka taagan yihiin min Turki ilaa Pakistan, halka qaar kale ay taliskooda uga baqayaan, sida dhowr kali talis oo ka jira dalalka qaar.

Yeelkeede, marka la eego dhanka Soomaalida waxaa hubban in Tik Tok uu sii dilayo anshaxa, xishoodka iyo akhlaaqda umadda guud ahaan, gaar ahaan dhanka gabdhaha da’yarta ah.

Waxaa hadda caadi ka noqday qaab cusub (trend) oo ay gabdhuhu qaab daandaani jinsi ah ugu adeegsanayaan Tik Tok. Waxaad arkaysaa hablihii Soomaaliyeed oo marka dhankooda la eego caroon jirey oo inta xishoodkii iyo xayadii iska tuuray marba dhan u laafyoonaysa, qof bay u dhiibaysaa mobaylka deetana way sii soconaysaa oo soo soconaysaa si loo arko, iyada oo muujinaysa wax kasta oo ay ahayd inay qariso ama la xishooto.

Lana soco, waxa laga hadlayaa ma aha gabar waa hore duurka gashay, balse waxaan ka hadlaynaa gabar yar oo curdin ah oo aan weli guursan oo gurigii hooyadeed joogta, balse uu wiil dhinaca kale ee caalamku si sahlan iskaga daawanayo hubkeedii, haddii ay doonto ha xirnaato wax ay dhar u aragto, balse misna wax kastaahi dayacan yihiin.

Hadalsame Media