Faa’iidooyinka faraha badan ee ay KOOSTADU u leedahay jirka & caafimaadka qofka

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2020 – Koostadu waa cagaar la cuno waxaana la ogyahay in markii ugu horeysay lagu arkay Dalka Iran. In kasta oo hadda badanaa ay dunida gaartay oo laga isticmaalo.

Koostadu waa caleen cunto iyo cabitaan labadaba loo isticmaalo. Koostadu waxaa ay sare u qaaddaa caafimaadka qofka.

Waxaa laga Helaa Nafaqo aad u badan koostadu waxay ka mid tahay dhirta ugu fiican ee la cuno.

Koostada waxaa aad uga buuxa maadooyinka, soo socda ee macaadinta iyo fitamiinka iskugu jira sida:

– Niacin
– Zinc
– Protein
– Vitamin A.C.E.K.
– Thiamin
– vitamin B6
– Calcium Birta (iron)
– Magnesium
– POtassium
– Copper

Guud ahaan koostada Waxaa ku yar dufanka iyo kolestaroolka
Waa qudaar kulansatay nafaqo kala duwan oo jirka qeybihiisa kala duwan wax u tarto leh.

Waxaa kaloo kujira maadada (Folate) taasoo la aamisan yahay in caafimaad u leedahay xididada soo galo wadnaha.

Maadada magnesium ee ku jirta koostada waxay ka qeyb qaadataa cadaadiska dhiigga (blood pressure).

Koostadu waxaa beerka ka caawisaa soo saarista dhecaan beerka uu soo saaro taasoo muhiim u ah qashin saarka iyo dheefshiidka cuntada dufanka leh.

  • Koostadu waxaa ay u fiicantahay dheefshiidka gaar ahaan calool fadhiga
  • Koostada waxaa kaloo u fiicantahay dadka qaba gaaska iyo ulcer
  • Koostada Waxaa la siinkara caruurta markii ay garaan 12 bilood
    Iyagoo ka helayo kobcin xaga maskaxda iyo koritanka jirka.

Daraasad dhawaan la Sameeyay waxaa lagu ogaday in koostada ay kobciso xasuusta shaqada maskaxda.

Koostada waa in la uumiyaa ee lama kariyo haddii la karkariyo waxaa ka dhinta nafaqada ay xambaarsan tahay.

Markii la uumiyo dheecaanka ay dhashane lama daadiyo ee suugo ahaan ayaa laga dhigtaa si aysan kuu dhaafin nafaqooyinka ay leedahay.

Haddii aad heli karto koosto fresh ah taas ayaa nafaqo badan iskaga ilaali mida la warshadeyay.

W/D: Axmed Muuse Mahad (Caato)

Hadalsame Media