DHEGEYSO: Kenya oo noqotay dalka 1-aad ee ku xad-gudba hawada Somalia (Waa imisa jeer?)

0

(Muqdisho) 29 Luulyo 2020 – Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xadgudubyada ay diyaaradaha ka diiwaan gashay dalka Kenya ee sida qaadka ku sameeyaan hawada Soomaaliya, ayaga oo jebinaya xayiraadda ay saartay dowladda Soomaaliya.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa ogaaday dhowr duulimaad oo noocan ah oo dhacay kadib xayiraaddii duuliimad ee Soomaaliya ay soo rogtay 18-kii March ee la xiriirtay ka hortagga faafitaanka cudurka COVID-19.

Barnaamijka Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA Somali.

Hadalsame Media