Maraykanka oo si xeeladi ku jirto u qirtay KHALAD uu Somalia ka galay!

0

(Stuttgart) 29 Luulyo 2020 – Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qirtay inuu dad rayid ah ku diley weerar ka dhan ah kooxda al-Shabaab ee Somalia horraantii sanadkan, waloow uu xeelad adeegsanayo oo ay tiradu aad u yar tahay.

Qirashadan naadirka ah ayuu ku sheegay inuu diley hal qof oo rayid ah isla markaana uu dhaawacay 3 kale, sida ku cad warbixin laga sameeyey rubaca 2-aad ee sanadkan, waana markii 3-aad ee ay AFRICOM qirtaan inay rayid ku dileen weerarrada cireed ee Somalia.

Taliyaha AFRICOM Jeneraal lugta ah Stephen Townsend ayaa shalay sheegay inuu shilkani meel Jilib u dhow ka dhacay Febraayo 2, isagoo ku marmarsooday in rayidkii halkaa ku dhintay “aysan muuqanin” markii la fasaxayey duqaynta.

Afahyeenka AFRICOM oo ah Gaashaanle ka mid ah Ciidanka Cirka Chris Karns ayaa isna VOA u sheegay in haddii ay “khalad sameeyaan ay markiiba qiran doonaan maadaama uu al-Shabaab cid kasta cadow ku yahay,” sida uu yiri.

Maraykanka ayaa 100 duqayn cireed oo ka dhan ah kooxo argagixiso ah ka sameeyey Somalia iyo Libya min Febraayo 2019-kii ilaa Luulyo 21, 2020-ka, sida ku cad warkan kasoo baxay ciidamada dalkaasi, gaar ahaan xarunta Africom ee Stuttgart.

Hadalsame Media