DHEGEYSO: Wasiirka Arrimaha Dibedda oo noqday qofkii ugu horreeyey Golaha Wasiirrada ee ka hadla sida uu u arko Xasan C Khayrre

0

(Muqdisho) 29 Luulyo 2020 – Waxaa Sabtigii qaab gaadmo lagu sheegay xilkii looga qaaday RW hore ee Somalia, Md Xasan Cali Khayrre, kaasoo isna mar dambe oo isla Sabtigii ahayd sheegay inuu xilka iska casilayo.

Ku simaha Wasiir Dibadeedka Somalia, Md Axmed Ciise Cawad, oo waraysi siiyey BBC-da laanteeda af Soomaaliga oo dhinacyo badan ka waraysatay ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyey ee fikirkiisa ka dhiibta sida uu u arko Khayrre tan iyo markii uu xilka banneeyey.

Md Cawad oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd sida uu u arko warkii Maraykanka ee canaanta ahaa ayaa sheegay inuu warkaa soo af jaray RW hore oo uu ku tilmaamay mid ka mid ahaa kuwii ugu wanaagsanaa ee dalka soo mara.

Tan iyo markii uu xilka ka tegey wuxuu Cawad noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee ka hadla sida uu u arko Khayrre.

Hadalsame Media