Qarada khasaaraha ballaaran ee ka dhashay internet la’aanta koonfurta Somalia (Maalintii waa imisa milyan?)

0

(Muqdisho) 27 Luulyo 2020 – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in intarneetka ka go’an dalka maalin waliba ay ka soo gaarto dalka khasaaro lacageed oo dhan 10 milyan oo doolar.

Interneetkan go’an oo saameeyay koonfurta Soomaaliya, ayaa ka dhashay markii uu go’ay xarrig interneetka ee mara badda hoosteeda.

Ma cadda sababta ka dambeysay inuu go’o xarigaasi, balse waxaa jira warar sheegaya in markab ganacsi uu jaray.

Wasiirka boostadda iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku tilmaamay dhacdadan “Musiibo wayn “,oo Soomaaliya ka soo gaartay ilaa iyo hadda khasaaro dhan in ka badan 130 milyan oo doolar”.

Waxa uu sheegay in xarkaha ama fiilooyiinka la hagaajiyay islamarkana ay adeegyada dib u soo laaban doonaan isbuucan.

Ka dib in ka badan 20 sano oo dagaalo ay ka jireen dalka , ayaa waxa aad u hooseeya tirada dadka isticmaala internetka Soomaaliya.

Sida ku cad warbixin ay 2014 soo saareen ururka isgaarsiinta caalamiga ah boqolkiiba 1.6 oo kali ah ayaa isticmaala internetka.

Isla sanadkaas adeega, 3G ee moobeeladda ayaa la jaray koonfurta Soomaaliya iyadoao shirkadaha u hoggansamayay amarka kooxda Al Shabaab. mamnuucidiisina ilaa iyo hadda wali taagan.

A woman wearing a niqab types at a computer in an internet cafe in Somalia
Qoraalka sawirka, Goobaha laga isticmaalo internet-yada ayaa ah kuwa caan ka ah magaalooyiinka waaweyn ee Soomaaliya oo qaarkood aan lahayn adeega 3G

Internetka dhanka Satellitka ayaa ah mid imika jira, balse dadka isticmaala waxa ay ka cabanayaan in uu yahay mid qaali ah islamarkana daciif ah.

Goobaha laga isticmaalo internet-yada ayaa ah kuwa caan ka ah magaalooyiinka waaweyn ee Soomaaliya ‘waxa ayna goobahan bixiyaan adeeg la isku halayn karo.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media