Md Mahdi oo shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Golaha Wasiirradu & Qodob Dastuuri ah oo la jebiyey

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2020 – Waxaa shalay kaddib markii xilka si aan sharciga waafaqsanayn looga qaaday RW hore ee Somalia, marka la eego Qodobka 69-aad ee Dastuurka, misna dhacay khalad kale oo Dastuuri ah.

MW ayaa wareegto howsha ugu dhiibey Ku Simaha Raysal Wasaaraha oo maantaba shir guddoomiyey kulankii 1-aad Ku Sime ahaan. Haddaba muxuu Dastuurku arrintaa ka qabaa? Eeg Qodobka 103-aad!

Qodobka 103aad. ”Xukuumadda Xil-Gaarsiinta Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.”

Sidaa darteed, inta uu xilka la wareegayo RW cusub ee lasoo magacaabayo, wuxuu Dastuurku si cad u qeexayaa inuu shaqada sii wadayo RW hore.

Hadalsame Media

Facebook Comments