Maxaa ka jira in internet-ka loo jaray hab-dhaqaaqyo siyaasadeed?

0

(Muqdisho) 27 Luulyo 2020 – Waxaa shalay ilaa maanta go’an internet-kii soo marayey dhanka badda (Fibre optics), waloow shalay gelinkii dambe ilaa maanta uu meelaha qaar ka shaqeeynayo midka ku xiran satelite-ka ee Dial Up-ka loo yaqaanno.

Yeelkeede, sharikad lafa gurta arrimaha internet-ka oo la yiraahdo Netblocks ayaa shalay kicisay moowjado cusub oo shaki leh, kaddib markii ay ku doodday inaanu u muuqanin internet ay soo gaartey cillad caadi ah, balse ”la jaray”, iyadoo adeegsanaysa hannaanka loo yaqaanno attribution-ka.

Ha yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee DF Somalia, Inj. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa meesha ka saaray warkaasi oo uu sidoo kale DF ku eedeeyey Cabdirashiid Xaashi oo ka mid ah dadka falanqeeya siyaasadda oo xiganaya ilo ku dhow isgaarsiinta Muqdisho.

Md Canshuur ayaa tilmaamay in ay dhacday cillad caadi ah oo qabsatay xarkaha badda soo mara, kuwaasoo iminka farsamadooda lagu howllan yahay.

“Waxaa si cad u sheegayaa in waxa dhacay ay yihiiin cillad farsamo, laakiin ma ahan cillad siyaasadeed iyo howlo kale,” ayuu yiri Wasiirka Boostada dalka oo ku dooday inaysan ka shaqaynayn wax dhibaato ku noqonaya shacabka iyo danohooda.

“Tiknolojiyadda, aqoonta iyo waxyaabaha dhaqaalaha saameynaya, marna dowladdu ma siyaasadeeyso.” ayuu daba dhigay.

Wasiirka boostadda iyo isgaarsiinta Somalia Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku tilmaamay dhacdadan “Musiibo wayn “ oo Somalia ka soo gaartay ilaa iyo hadda khasaaro dhan in ka badan 130 milyan oo doolar.

Hadalsame Media