Md Qoor Qoor oo maraya IMTIXAANKII ugu adkaa; Ma waayo arag wax isku wadi kara mise….?

0

(Hadalsame) 27 Luulyo 2020 – Waxa uu kursiga ku yimid hab muran badani ka dhashay. Dad badan waxay u arkayeen maqaarsaar Villa Soomaaliya keensatay oo ayada dhagan-nuglaan doona gar gar iyo gardarraba.

Balse doorashadii lagu muransanaa kaddib waxa uu la heshiiyay ninkii kursiga ugu horreeyay (Xaaf) sharci ahaanna ku haystay. Maalin cad ayaa Xaaf oo qoslayaa ku wareejiyay furihii madaxtooyada Galmudug.

Waxaa uu wadahadal la galay siyaasiyiin si wayn uga soo horjeeday waxa uu na ku qanciyay in ay la shaqeeyaan oo xukuumaddiisa ka mid noqdaan, waana uu ku guulaystay.

Bilooyin yar doorashadiisi lagu muransanaa kaddib waxa uu ku guulaystay in uu Galmudug u yeelo waji ka duwan kii lagu yaqiin ee muranka iyo farataagtaagga ahaa waxa uu na hormuud u noqday Galmudug midaysan oo hal meel u jeedda.

Kaddib waxaa uu wadahadal mirodhalay la galay maamulka ay dariska yihiin ee Puntland waxa uu na guulaystay in meesha laga saaro kala shaki iyo sugnaan la’aan labada maamul dhextaalley.

Qoor-qoor markii uu xalliyay Galmudug dhexdeeda iyo dariskeeda waqooyi waxa uu u jeestay Soomaaliya asaga oo Dhuusamarreeb isugu keenay madaxdii maamullada iyo kuwa Federaalka oo muddo dheer aan is arag Galmudugna ay martigaliso shirar looga tashanayo aayaha dalka iyo dadka soomaliyeed.

Qoor-qoorna waxaa loo soo suray Taaj ay ku qoran tahay “WAAYO ARAG WAX ISKU WADI KARA” oo ahaa halku-dheggiisi doorashada. Laakiin…. Laakiin madaxweyne Qoor-qoor caawa iyo berri ayuu marayaa imtixaankii iyo tijaabadii ugu dambeeyay ee loogu caano shubi lahaa Taajka WAAYO ARAG ISKU WADI KARA.

Qoor-qoor ama waxaa uu ka dhabaynayaa in uu yahay waayo arag isku wadi kara ama waxa uu qoorta suran doonaa kaadhkii “Maqaarsaarka Villada” ee horay loogu xaman jiray.

Runtii

Waxaa Qoray: Cali M Diini

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media