Nin Amxaari ah oo maanta isku dayey inuu dejiyo Taallada Sayidka ee Jigjiga & muran ka dhashay (Sababta uu u saxan yahay)

0

(Jigjiga) 27 Luulyo 2020 – Nin Amxaar ah ayaa la sheegayaa inuu saaka weerar ku qaaday taallada Sayidka ee saaran isgoys ku yaalla magaalada Jigjiga oo caasimad u ah Gobolka Soomaalida ay Itoobiya maamusho.

Cabdiwahaab Fiqi ayaa soo qoray: ”Dhiirananta Xabashiga Ayaa igu noqotay Qaadan waaa! Saaka waxaa Taalada Sayidka Ee magalada Jigjiga isku dayay inuu Dumiyo 1 Habashi, Bal kawrn ninkaasoo Awoood yar kugu yeeshay muxuu Samayn lahaa.

”Somalidu Waa iska Qarandi. Oromana Waa Horay Baraarugtay oo ay ogaatay Fikirka Xabashiga. Habashi Aabaalkooda Imaan Axmed Guray unbaa Yaaqaana.” ayuu raaciyey qoraal sawir wata oo arrintan ku saabsan.

HADDABA YAA KHALDAN? MA XABASHIGA MISE CIDDA HALKAA GEYSEY TAALLADA SAYIDKA?

Ninkaa Xabashiga ah ayaa saxan marka la eego sida uu caalamku u shaqeeyo waayo Jigjiga waxay waqti xaadirkan hoos tagtaa nidaamka Itoobiya, halka ninka isaga oo aan xabashi xor ka ahayn ninkii Xabashiga sidii uu iskaga xorreeyn lahaa u dhintay taallo uga taagey meel uu Xabashigu xukumo ayaana dad u caqli liita.

SABAB? Ujeedka Sayidka meeshaas loo saaray waxay ahayd in la inkiro taariikhdii iyo halgankii Sayidka oo laga dhigo nin Itoobiyaan ah waana aragtidii Miniliq iyo Xayla Salaase ee ahayd ”Soomaalidu waa geel jireyaal naga baxsaday”, taasoo ay ka xumaadeen dad badan oo Soomaaliyeed.

Sidaa darteed, inta ay Jigjiga hoos tegeeyso Itoobiya marka horeba waa gef taariikhi ah in Sayidka taallo looga dhiso halkaasi, waayo waxay muujinaysaa inuusan jirin qarankii Soomaaliyeed ee uu u dhintay.

 

Hadalsame Media