Masar oo sheegtay inay Faransiiska la samaysay dhoollatus badeed (Sawir been abuur ah oo ay isticmaashay!)

0

(Qaahira) 27 Luulyo 2020 – Ciidamada Masar ayaa ku dhawaaqay inay dhoollatus wada jir ah la samaynayeen dalka Faransiiska, iyagoo adeegsanaya sawir duug ah oo hore.

Afhayeenka Ciidamada dalkaasi, Tamer al-Refai, ayaa war uu Facebook soo dhigay wuxuu ku sheegay in ay dhoolltuskaas ka qayb galeen frigate-ka raadaarka ka dhuunta ee Masar ee “Taxya Masr,” iyo dhiggiisa Faransiiska ah ee “Aconit.”

Yeelkeede, sawirka lagu lifaaqay warkan, waa sawir hore uu u isticmaalay millateriga Maraykanka xilli ku beegan Sebt. 19, 2013-kii.

Ciidamada Badda Maraykanka ayaa horay sawirkaa ugu sheegay “in ay dayuurad ah Sikorsky MH-60R Sea Hawk oo ka tirsan Helicopter Maritime Strike Squadron (HMS) 74 ‘Swampfoxes’ oo ka tirsan markabka USS Gravely (DDG-107) ay isu diyaarinayso inay ku degto markabka Faransiiska ee Aconit (F 713) intii lagu jirey dhoollatus ka dhacay Badda Dhexe.”

Markabka Masar ayaan marka sawirka ka muuqanin.

Masar ayaa Faransiiska la safan dhanka muranka uu ku colaadinayo Turkiga iyo taageerada hoggaamiye kooxeedka Khaliifa Xaftar labadaba, kaasoo doonaya inuu rido dowladda la aqoonsan yahay ee GNA.

Sawirka runta ah ee Taxya Masr

Hadalsame Media