Maxaa la gudboon RW Khayrre? Maxay se tahay tillaabada ugu WANAAGSAN ee uu qaadi karo?

0

(Muqdisho) 25 Luulyo 2020 – Waxaa maanta Baarlamanka kasoo baxay war sheegaya inay codka kalsoonida u qaadeen Xukuumaddii RW Xasan Cali Khayrre.

Waxaa markiiba laga soo daba saaray War Saxaafadeed sii diyaarsanaa oo kasoo baxay Madaxtooyada kaas oo lagu sheegayo in uu MW Farmaajo aqbalay xil ka qaadista RW Khayrre, isla markaana uu soo magacaabayo mid cusub.

Arrintan ayaa sida la ogyahay salka ku haysa muddo kororsi 2 sanadood ah oo muddaba la karinayey, taasoo ay isku mari waayeen MW iyo RW.

HADDABA MAXAA LA GUDBOON KHAYRRE? Waxay wararku sheegayaan in RW Khayrre uu haatan kasoo socdo dhanka Dhuusamareeb, balse lama oga tillaabada xigta ee uu qaadayo.

Waxaa se ugu fiican inuu sharafta ka raaco oo inta shir jaraa’id qabto ku dhawaaqo inuu aqbalay xil ka qaadistiisa si aanu dalku u gelin qir iyo qir siyaasadeed oo uu isagu ku lug leeyahay taasoo u noqonaysa lib siyaasadeed oo hor leh haddii uusan ciyaarin iskaakada socota (dirty game), isla markaana uu ku dhaqaaqo wixii uu xiga ee uu doonayo inuu sameeyo haddii ay tahay musharraxnimo iwm, taasoo uu shacbiyad hor leh kaga heli karo bulshada jecel horumarka dalka, isla markaana uu u daayo MW inuu la macaamilo wax kasta oo kasoo baxa tillaabadan muddo kororsiga ku dhisan.

Hadalsame Media