Arag qodobbada Dastuuriga ah ee lagu tuntay si ”xilka looga xayuubiyo” RW Khayrre

0

(Muqdisho) 25 Luulyo 2020 – Waxaa saaka uu Guddoonka Baarlamanku uu ku dhawaaqay inay codka kalsoonida u qaadeen Xukuumadda Somalia, isaga oo ku eedeeynaya inay ku ”fashilantay” qabashada doorashada, federaalaynta dalka iwm.

Haddaba, marka la eego sida ku qoran Dastuurka KMG ee u degsan dalka Somalia, wuxuu Guddoonka Baarlamanku Xukuumadda ku eedeeynayaa howl u taalla isla Baarlamanka Federaalka, balse ay iyagu ku fashilmeen. Arag qodobka 47-aad oo caddaynaya cidda go’aaminaysa arrimaha doorashooyinka. Mana cadda sida in muddo kororsi la diido ay uga dhigan tahay inay ”fashilantay” XFS.

Qodobka 47aad. Nidaamka Doorashooyinka iyo Xisbiyada Shuruucda ku saabsan Xisbiyada, Diiwaangelintooda, Doorashooyinka heerka dowladda federaalka ah iyo Guddiga Qaranka ee Madaxbanaan ee Doorashooyinka, waxaa lagu qeexi doonaa shuruuc gaar ah oo uu soo saaro Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu Guddoomiye Mursal soo daliishadey Qodobka 69-aad oo uu sheegay inay u cuskanayaan tillaabada ay qaadeen oo aan la marsiin jidkii sharciga ahaa. Haddaba arag waxa uu dhigayo Qodobka 69-aad;

Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah

1. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah:

(a) Inuu ansixiyo, wax-ka-beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;

(b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada.

2. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda:

(a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno Golaha Shacabka;

(b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka;

(c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa;

(d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1;

(e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku- xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha.

Sida ka muuqata Qodobka 2-aad qaybta C, waxaa ay Xukuumaddu xaq u leedahay in loo yeero oo ay soo hor istaagto Baarlamanka, kana hadasho waxa loo haysto, iyadoo markaa kaddib iman karto in ama la diido barnaamijka Xukuumadda ama codka kalsoonida loo qaado, sida ku cad qaybaha D & E.

Haddii lasoo xooriyo waxaa dhacay laba jeer oo sharciga laga tillaabsaday.

1 – Inuu Baarlamanku hoowlihii u yaalley isaga sida Doorashooyinka iyo Madaxwaynaha sida arrimaha maamullada iyo isku wadida hay’aadka DF ku eedeeynayo XFS oo aan toos shaqo ugu lahayn.

2 – In aan XFS la siinin fursad ay arrintan uga gudato waxa ay xaqa u leedahay oo ah in ay Baarlamanka soo hor istaagto ugu yaraan, taasoo ah xuquuq uu Dastuurku siinayo.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments