RW Khayrre ma qaatay talo uu 3 bilood kahor siiyey siyaasiga CCW, maxay se ahayd?

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2020 – Waxaa maanta dhacay wax u eg af-gembi lagu ridey Xukuumaddii RW Xasan Cali Khayrre.

Kulan buuq hareeyey oo lagu qabtay Baarlamanka ayaa lagu sheegay inay 170 xildhibaan ka codeeyeey RW Khayrre iyo xukuumaddiisa oo ay sidaa darteed dhacday XFS.

Waxaa in yar kaddib soo baxay War Saxaafadeed u muuqda mid sii diyaarsanaa oo kasoo baxay Xafiiska MW Farmaajo, kaasoo lagu soo dhoweeyey go’aanka Baarlamanka, isla markaana lagu sheegayo in uu Madaxwaynuhu deg deg usoo magacaabayo RW cusub oo soo dhisa xukuumad cusub, taasoo ku dhisan xeeshii tillaabadanba loo qaaday oo ah muddo kororsi dheer.

Haddaba, waxaa horay RW Khayrre ula taliyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo 20-kii Abriil u sheegay inuu si cad ugu istaago xil-wareejinta xilliga kala guurka ah, balse tiiyoo uu Khayrre arrintaa ugu yaraan 2 jeer ka dhawaajiyey, misna markii la tegey Shirkii Dhuusamareeb ma uusan muujinin moowqif ka badan inuu wax isu jiid jiido.

Hadalsame Media

 

 

Facebook Comments