DEG DEG: ”Waa wax laga shallaayo tillaabada ay qaadeen Madaxwaynaha & Guddoonka Baarlamanku” – Maraykanka

0

(Muqdisho) 25 Luulyo 2020 – Maraykanka ayaa si wayn u cambaareeyey tillaabadii maanta la sheegay in ”xilka looga tuuray” RW Xasan Cali Khayrre, kaasoo aan loo marin hab-raacii caadiga ahaa ee sharcigu qabey.

Maraynkanka ayaa sheegay inay arrintani sii cakirayso geeddi socodkii wada xaajoodka DF Somalia, Maamullada dalka iyo bah-wadaagta kale ee muhimka ah.

”Geeddi socodkan aan qumanayn waa dib u dhac ku yimid isbedel doonkii ay Somalia cayrsanaysey iyada oo taageero ka heleysa Maraykanka,” ayaa lagu bilaabay.

”Xasilloonida iyo barwaaqada Somalia waxaa kaliya lagu dhisi karaa iskaashi iyo wax wada qabsi uu xeer jajab wehliyo; haddii ay hal hay’adi isku daydo inay qabsato midda kale, waxay taasi dhaawacaysaa xasilloonida qaranka oo idil,” ayaa la daba dhigay war rasmi ah oo kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Maraykanka ayaa carrabka ku adkeeyey in jidka qura ee furani uu yahay doorasho nabdood oo xilligeeda ku dhacda iyo wada xaajood wax dhisaya oo dhinacyadu yeeshaan, si looga wada shaqeeyo moodal doorasho oo la isku raacsan yahay, si loo sii wado xasilloonida iyo amaanka Somalia.

Waxaa uu Maraykanku ku baaqay in xeer jajab la raadiyo lagana fogaado wax kasta oo keeni kara xasarad dastuuri ah, isagoo ku boorriyey in la dhaqan geliyo heshiiskii Dhuusamareeb.

”Ma doonayno inay Somalia jid khaldan qaaddo, waxaan se u baahan nahay in la wada dhiso wadiiqo la isku waafaqsan yahay. Tillaabo ayaan ka qaadaynaa, umana dulqaadanayno qas wadayaasha hor taagan horumarka Somalia ee dhanka xasilloonida iyo dhismaha dowlad loo dhan yahay.” ayay kusoo afjartay.

Maraykanku waa dalkii 1-aad oo si rasmi ah uga hadla wixii maanta ka dhacay Baarlamanka Dhexe.

Hadalsame Media