”Waxaa socda muddo kororsigii aan ka digayey, balse dalka ayaan u turayaa!” – RW hore oo aan aqbalin ”xil ka qaadistii” lagu sameeyey balse is casiley (Daawo)

0

(Muqdisho) 25 Luulyo 2020 – RW hore ee Somalia, Xasan Cali Khayrre ayaa markii ugu horreeysey hadlay tan iyo markii maanta la sheegay in xilkii looga qaaday codad loogu qaaday Baarlamanka oo aan horay loosii ogayn.

RW hore  Khayrre ayaa sheegay inuu aad u diidanaa welina diiddan yahay fikir kasta oo ku dhisan muddo kororsi oo uu sheegay inuu dalka gelin karo khal khal siyaasadeed.

”Wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabku wuxuu salka ku hayaa wixii aan ka digayey oo dalka dib u celin karo, iyadoo ay sax tahay qori isku dhiib iyo in afartii sanaba mar la qabto doorasho,” ayuu soo jeediyey.

Khayrre ayaa sheegay inuu aqbalay xilkii laga qaaday, isagoo sheegay in aan marna xilka looga qaadin wadiiqo sharci ah uu misna u turayo una tanaasulayo umadda Soomaaliyeed, isla markaana uu iska casilayo xilka Wasiirka Koowaad, isagoo u mahad celiyey Madaxwaynaha, Wasiirradii la shaqeeynayaye iyo Beesha Caalamka.

”Aniga oo og In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho,” ayuu yiri Khayrre.

”Dalkan rajo ayaan ka leennahay, dalka ayaa naga wayn, maanta waa maalintaydii dalka ayaan u turay, haddii ay wax iga khaldameenna waxaan idin waydiisanayaa inaad i cafisaan.” ayuu warkiisa kusoo gebagebeeyay.

Hadalsame Media