7 su’aalood oo jawaab loo la’yahay oo ka yimid wixii maanta ka dhacay Baarlamanka

0

(Muqdisho) 25 Luulyo 2020 – Dhowr su’aalood oo la iska weydiinayo wixii maanta ka dhacay Golaha Baarlamanka.

1 – Mooshinka uu Gudoomiyuhu sheegay horta yaa soo gudbiyay oo baarlamaanka keenay, ma gudoomiyaha aqriyay eedaha la sheegay mise xildhibaano kale ayaa mooshinka keenay.

2 – Yaa haya waraaqaha mooshinka lagu qoray, qodobada eedaha iyo haddii ay jiraan dad saxiixay waraaqaha.

3 – Goormaa iyo xagee gudoonka loogu dhiibay mooshinka xilka-qaadista.

4 – Maxaa xildhibaanada loo siin waayay waqti ay uga doodaan mooshinka xukuumada laga keenay hadduuba jiray.
5 – Cod-qaadista,gacmaha taagan waan aragnaye. Gacmihii la taagey goormaa la tiriyay.

6 – Haba la tiriyee, tiradaasi goorma ayaa Guddoomiyaha loo sheegay tiro ahaan intay ahaayeen.

7 – Kuwa diiday gacmihii ay taageen yaa arkay, yaase tiriyay, siduuse Gudoomiyaha ku ogaaday tiro ahaan intay ahaayeen.

BAL JAWAABAHAN ILA RAADIYA.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Catoosh

Hadalsame Media