DF Somalia oo gurmadkii koowaad u diyaarisay fatahaadda AFGOOYE (Lacag nus milyan ah oo loo fasaxay)

0

(Dhuusamareeb) 22 Luulyo 2020 – DF Somalia ayaa qaadday tillaabadii ugu horreeysey ee loogu gurmanayo magaalada Afgooye oo maalmahan biyo dhex taalla kaddib markii uu ku fatahey webiga Shabaalle oo magaalada mara.

”Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa faray wasaaradda maaliyadda in si deg deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun Oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska RW dalka.

”Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday kulan looga hadlayay xal u helidda fatahaada Afgooye oo Mudane Xasan Cali Khayre uu Dhuusamareeb kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),” ayaa la raaciyey.

”Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan lagu bixinayo lacagta si loogu guuleysto qorshaha naf-badbaadinta ah iyo u gurmashada kumannaanka qoys ee daadadku saameeyeen.” ayaa lagu sii afjaray.

Hadalsame Media