Waa maxay doorka RW Khayrre ee Shirka Dhuusamareeb ee DF & Maamullada?!

0

(Dhuusamareeb) 22 Luulyo 2020 – Waxaa weli aan ur u bixin shirka madaxda DF Somalia iyo Maamullada dalka ee ku shirsan Dhuusamareeb, kuwaasoo ku muran waxyaabo ay ugu door roon yihiin moodalka doorashada madaxtinnimada iyo muddo kororsi la hadal hayey.

Yeelkeede, Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Md Xassan Cali Kheyrre, oo horay laba jeer (Maajo iyo Luulyo) u bayaaniyey inuu doonayo in la qabto doorasho heshiis lagu yahay isla markaana diidey wararka sheegaya inay muddo kororsi doonayaan ayaa la is waydiinayaa doorkiisa shirka Dhuusamareeb.

Wararka aannu ka heleeyno dhanka Dhuusamareeb ayaa tibaaxaya in Md Kheyrre oo kulamo kala geddisan la kala yeelanayay Madaxweyne Farmaajo iyo maamulladu, uu qaatay door nabaddoonnimo, isagoo muujinaya in moowqif lagu dhego ay ka muhiimsan tahay in la is fahmo oo deeto lagu dhaqaaqo wax heshiis lagu yahay, iyadoo la sheegay inuusan isagu weli qaadan wax moowqif ah oo gaar ah.

Xogta hoose waxay sheegaysaa inuu Wasiirka Koowaad uu aad ugu dedaalayo in meel dhexe la iskugu yimaado oo la dabaqo hannaanka xeer-jajabka iyo tanaasulka, si horay loogu socdo oo uusan u banjarin geeddi socodka dowlad dhisidda dalku.

Dadka shirka ku dhow qaarkood ayaa sheegay inay marka dambe u badan tahay in la qaato soo jeedinta RW Khayrre oo ah in la qaato moodal kasta oo la isku waafiqi karo, sida in la qabto doorasho ay ka qaybgalka bulshadu intii 2016-kii ka badan tahay oo lagu agaasimi karo muddo kooban oo sanad ka yar.

Hadalsame Media