Qatar Airways oo balaayiin doollar oo magdhow ah ka doonaysa dalalka afarta ah ee go’doomiyey!

0

(Dooxa) 22 Luulyo 2020 – Sharikadda Duullimaadyada ay leedahay Dowladda Qadar ee Qatar Airways ayaa magdhow ugu yaraan $5bilyan oo doollar ah ka doonaysa dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar oo hawadooda ka xirtey.

Tillaabadaa ayaa ka mid ahayd tillaabooyin ay qaadeen dalalkan bishii Juun 2017-kii kaddib markii ay si soo booddo ahayd mar qura xiriirka ugu jareen dalka Qadar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto argagixiso iyo dalka Iiraan, taasoo ay Qadar dafirtay.

Qatar Airways ayaa maanta soo saartay war rasmi ah oo ay ku dalbanaysa magdhowgan iyadoo sheegtay in go’doominta 4-tan dal lagu bartilmaameedsaday maalgashi ay samaysatay iyo howleheedii caalamiga ahaa, iyagoo sheegay in lagu tuntay ilaa afar heshiis oo uu ku jiro midka Maalgashiga Carabta.

Todobaadkii hore, Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa xugmisay in Qadar lagaga khaldan yahay xanibaadda la saaray, iyadoo ay Qadar dacwad gaysey hay’adda duullimiyaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO, taasoo ay diiddan yihiin dalalka ay khuseeyso.

“Waxaan dalbanaynaa magdhow buuxa,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Qatar Airways, Akbar al-Baker.

Qatar Airways ayaa arrintan dhibaato wayn kala kulantay, waayo waxay ku khasban tahay inay kasoo wareegto dhanka Iiraan iyo dhanka Cumaan, iyadoo ka weecanaysa dalalka Sucuudiga iyo Masar oo ku fadhiya dhul aad u ballaaran, taasoo gelinaysa malaayiin doollar oo khasaare ah oo uga baxa shidaal.

Hadalsame Media