Kulan lagu dhafray oo xalay dhacay & wararkii ugu dambeeyey (Maxaa dhici doona haddii la is fahmi waayo yaase EEDDA leh?)

0

(Dhuusamareeb) 21 Luulyo 2020 – Kulan dheer oo ilaa xalay la isku dhafray ayaa Dhuusamareeb ku dhex maray madaxda DF Somalia iyo Maamullada ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday moodalka doorashada lagu wado inay qabsoonto dabayaaqada sanadkan ama ugu badnaan horraanta 2021-ka, sida qof iyo cod iyo mid dadban iwm.

Wuxuu ahaa kulan adag oo meelaha qaar la isku mari waayey, balse waxaa woxoogaa horumar ah laga sameeyey dhanka qodobbada muhiimadda iyo hor-tebinta la siinayo, si loo ambaqaado kulanka rasmiga ah oo maanta lagu wadey, balse ay xogtu sheegayso inuu dib u dhacay oo aanu ugu yaraan maanta furmaynin.

Waloow uu dhacay kulanka qaatay mudadaa dheer, waxaa misna jirta inaanu jirin wax muuqda oo lagu heshiiyey ilaa haatan, iyadoo uu dhinacba tiisa ku adkaysanayo, waxaana la sheegayaa in Madaxwaynuhu diiddan yahay doorasho dadban oo uu doonayo doorasho qof iyo cod ah, halka ay maamul-gobaleedyadu doonayaan doorasho ay door maamul ku yeeshaan oo dadban.

Warar horay usoo baxayey oo xitaa lagu baahiyey warfaafinta Galmudug oo tibaaxayey inuu Madaxweyne Farmaajo wuxuu kasoo debcey qodobkaasi ayaan isa soo tarin, iyadoo taa biddaalkeeda warkaa lagaba tiray bar wareedkii lasoo dhigay, waxaana cad inuu halkiisii taagan yahay, halka uu RW Khayrre u badan yahay dhanka ah in la qaato go’aan waaqici ah (pragmatic solution) oo wax la isu jiid jiido meel dhexena la iskugu yimaado.

Waxaa madlan kulab kale oo ay ku ballansan yihiin madaxda DF Somalia iyo maamulladu, waxaana lagu wadaa in halkooda laga sii ambaqaado wada hadalladan oo weli u dhacaya qaab hordhac ahaaneed, kahor kuwa rasmiga ah.

Warar soo gaaraya Hadalsame Media ayaa sheegaya in marka laga soo tago moowqifka madaxwaynaha ay misna jiraan dhinacyo ka tirsan maamullada oo lug jiidaya in hadda xal la gaaro, iyagoo doonaya in ay dhacaan wareegyo kale oo qabsoomi doona wixii loo gaaro bisha soo aaddan ee Agoosto.

Waxaa kale oo dhici karta in aan xitaa lagu heshiin in kulan kale la iskugu yimaado, kaddibna lagu kala tago, taasoo dalka gelin karta qalaanqal siyaasadeed oo aan loo baahnayn, shirar ay beesha caalamku soo farageliso, khariidado cusub iyo dowlad dhisidda oo dib u noqota, waxaana eedeeda yeelanaysa cid kasta oo ka mid ah ragga fadhiya shirka Dhuusamareeb oo ay ugu horreeyaan madaxda DF Somalia, kaddibna maamullada ku doodaya in iyaga la waydiiyo doorasho qaran oo aan kaba mid ahayn howlaha ay u xil saaran yihiin.

Hadalsame Media