Kenya oo baaraysa shilka dayuuraddii Beledwayne (Waxa sababay inay dhacdo oo la caddeeyey mana aha dameer)

0

(Nairobi) 21 Luulyo 2020 – Dadka baara shilalka dayuuradaha oo ka socda Kenya ayaa Somalia u tegey baarista shilkii dayuuradda Kenya ku gubatey ee ka dhacay magaalada Beledwayne.

“Waxaannu wargelin ka helnay Dowladda Somalia si aannu baarista uga qayb qaadanno. Koox naga socota ayaana goobta booqan doonta,” ayuu Mr Martyn Lunani, Maareeyaha Qaybta Baarista Shilalka Dayuuraduhu u sheegay the Nation.

Kooxda Mr Lunani ayaa Somalia u safraya tiiyoo ay jiraan shilal ay ku lug leeyihiin diyaarado iyo duuliyeyaal Kenyan ah oo ka kala dhacaya Somalia iyo Kenya. Kii ugu dambeeyey wuxuu ahaa mid qabsaday helakabtar ay lahaayeen Ciidanka KDF oo ku dhacday Kanyonga oo ka tirsan Masinga, Machakos County.

Kaddib markii uu shilkani dhacay, labadii duuliye oo kala ahaa Kabtan 1-aad Faarax Axmed, iyo Shukri Faarax, oo labaduba haysta dhalashada Kenyan, ayaa loo duuliyey Nairobi, iyada oo kabtanka 1-aad uu dhaawac yari lugta kasoo gaarey, sida uu sheegay Danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho, Maj-Gen (Rtd) Lucas Tumbo oo 15-kii bishan goobta shilka booqday, oo la hadlay the Nation.

Dayuuraddan oo Kenya uga diiwaan gashanayd 5Y-VVU isla markaana ay ku shaqayso Blue Bird Aviation, ayaa qandaraas QM uga haysatey inay cunnooyinka iyo saanadaha kale ee aadminimo u daabusho goobo kala duwan oo Bartamaha Somalia ah.

Dayuuraddan oo ahayd nooca Fokker-ta, ayaa alaabooyinka ay siddey markii kasoo qaadday magaalada Djibouti City. Balse waxay hertisey carro-buur yaalley dhabbaha dayuuradda iyadoo deeto garabka bidix ka go’day, kaddib markii ay qabsatay cillad farsamo, taasoo meesha ka saaraysa sheeko ahayd inay dameer ku dhacday.

Duuliyaha ayaa 300 oo mitir la hardamayey inuu xakameeyo, balse uma suuroobin oo waxaa lumay xakamihii.

Wuxuu shilkani imanayaa 2 bilood uun kaddib shil kale oo ku dhacay dayuurad Kenyan ahayd oo rasaasi ku dhacday iyada oo usoo dhowaanaysa dhabbaha Garoonka Berdaale, taaasoo keentay inay wada dhintaan 6 qofood oo saarnaa.

Hadalsame Media

Facebook Comments