AFRIKA WAA IIB: Kenya oo qarka u saaran in laga qaato Dekedda Mombasa! (Arag 5ta dal ee ugu qaanta badan & Somalia oo….)

0

(Hadalsame) 21 Luulyo 2020 – Dowladda Kenya waxa ay halis ugu jirtaa in ay lumiso milkiyadda dekedda Mombasa, kadib markii maxkamadda Racfaanka ee dalkaasi ay wax kama jiraan kasoo qaaday Qandaraas ku kacayo $3.2 billion oo shirkad laga leeyahay Shiinaha ay ku dhisi laheyd waddo tareen oo casri ah, taasoo haddey hirgasho wax badan ka tari laheyd isu socodka, ganacsiga iyo dalxiiska.

laakiin qandaraaskan oo is af garadkiisu soo bilowday sanadkii 2011 waxa hareyay eedeymo la xariiro musuq iyo in shirkadda shiineyska ah ay hishiiska ku heshay si aan hufaneyn, hadaba waxaa xusid mudan in dowladda Kenya si ay u gasho hishiiskaas waxa ay rahan ahaan u dhigtay dekedda Magaalada Mombasa, sidaasna ay meesha kaga baxday lahaanshahii Qaranimo (Soverneignty) haddii is af garad labada dhinac qanciyo ay wada gaari waayaane waxa ay shirkadda shiinaha ah ufuran in maxkamadaha caalamiga ah ka dalbato in loosoo gacan galiyo dekedda Mombasa.

Shiinuhu waxa uu Afrika ka wadaa malagashiyo halistooda leh dalal badanna sida Kenya khatar ugu jiraan in ay lumiyaan kaabayaal halbowle u ah qaranimadooda. Shiinuhu waxa uu leeyahay 24% deynta Afrika lagaga leeyahay dibedda, waa kuwan 5-ta dal ee deynta ugu badan uu Shiinuhu ku leeyahay:

1. Angola ($25 bilyan)
2. Ethiopia ($13.5 bilyan)
3. Zambia ($7.4 bilyan)
4. Jamhuuriyadda Congo ($7.3 bilyan)
5. Sudan ($6.4 bilyan).

Dalka Somalia ayaa ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee aan ilaa haatan ku biirin dalalka Afrikaanka ah ee ay madaxdoodu, oo ah qaatayaal aan waxba hambayn, gelinayaan qaamaha aysan abid dib u bixin kari doonin, kuwaasoo qaarkood dekedo, garoomo iyo kaabayaal kale lagala wareegey/gayo, kaddib markii ay qaamihii balaayiinta ahayd iska bixin kari waayeen.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Cabdullaahi

Hadalsame Media