GAR-NAQSI: MW Farmaajo oo hal meel uga gar helaya madaxda Maamullada!

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2020 – Madaxweyne Farmaajo oo 7 bilood kaliya talada haya ayaa waxa uu safar shaqo ku tagay Magaalada KISMAAYO, JUBALAND. Madaxweynaha waxa uu ka qeyb galay tababar loo soo xiray Unug ka tirsan guutada 41-aad ee CXD. MW Farmaajo waxa uu masuuliyiinta Jubaland kala hadlay in shacabka Jubooyinka si siman ay nidaamka uga muuqdaan iyo in degdeg duulaan loogu qaado cadowga duleedka Kismaayo jooga.

JUUN 3, 2018. Madasha Amniga Qaranka oo uu shir gudoominayo Madaxweyne Farmaajo aynna ka qeyb galeen Madaxda Muumal Goboleedyada ayaa ka qabsoontay Magaalada BEYDHABO, KGS. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Maamulada Xubnaha ka ah DFS ku amray in wadajir loo qaado howgal lagu xoreynayo dalka qeybihiisa gacanta cadowga kujira si doorasho baahsan oo deeggaan walba gaarta ay xilligeeda ku qabsoonta ay gebi-ahaan dalka uga dhacdo.

MAAJO 13, 2019. Kadib marki ay qaar kamida Madaxda Maamulada ka cago-jiideen gogol wadatashi oo ka dhici lahayd Caasimada Muqdisho oo uu Madaxweynaha ku martiqaaday; Madaxweyne Farmaajo waxa uu gar-waaqsaday in GAROOWE, PUNTLAND wadajir looga arinsado aayaatiinka dalka & dadka Soomaaliyeed. Bayaan cad ayuu Madaxweynaha maamulada hordhigay kaasoo ah:- ka wada shaqeynta xasiloonida dalka, Tubta toosan ee siyaasad loo dhan yahay & dardar-gelinta doorasho Q&C. Nasiibdarro waxaa shirkaas ku gacan-seyray Maamulada Puntland & Jubaland oo ka gadoodsan is hortaag uu Madaxweyne Farmaajo ku sameeyay faragelinta qaawan ee Imaaraadka & Kenya.

LUULYO 19, 2020. Madaxweyne Farmaajo kama uusan quusanin e waxa uu markale isugu yeeray Madaxda Maamulada in la isugu yimaado Caasimada Muqdisho si looga tashado ayaaha dalka oo ay ugu horeyso Doorashada sidi caadada ahaydna Maamulada qaar ee jah & jiho diidka ah waa ay diideen martiqaadka Madaxweynaha. Si aan loo dayicin mustaqbalka dadka & dalka talo-wadaagna loo sameeyo Madaxweyne Farmaajo inta uu tanaasulay ayuu  ka degay DHUUSAMAREEB, GALMUDUG.

Su’aashu waxa ay tahay: Madaxweyne Farmaajo isaga oo 7 bilood xafiiska joogga hadii uusoo bilaabay in wadajir la isaga kaashado ka wada shaqeynta Amniga Dalka si doorasho baahsan loo gaaro, Maamul kastana uu fadhigooda ugu tagay. Hadaba, kumaa xaldoon ah?!!

Waxaa Qoray: Liibaan Cabdi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media