Yuhuudda oo masjid taariikhi ah u bedeley KALAAB habeenkii lagu caweeyo (Inta bahdil ee uu soo maray)

0

(Safad) 19 Luulyo 2020 – Masjid taariikhi ah ayay Yuhuuddu u rogtey meel khamriga lagu fuudo. Masjidka Al Axmar oo la dhisay qarnigii 13-aad, kuna yaalla Safad oo ah dhulka ay Yuhuuddu haysato ee ”woqooyiga Israel”, ayaa sidoo kale haatan ah meel habeenkii lagu caweeeyo (nightclub).

Tillaabadan ayaa imanaysa iyadoo uusan weli soo bixin go’aan laga dhowrayo Maxkamadda Nazareth oo uu dacwad hor geeyey Khair Tabari, Xoghayaha Hay’ad Islaami ah oo Falastiin ka dhisan, taasoo uu ku codsaday in Masjika dib loogu soo celiyo Muslimiinta.

“Waan suuxi gaarey markii aan arkay sida loo qadaasad iyo xurmo tiray masjidka, oo aad ku arki karto aayadihii Qur’aanka la tiray oo meelo ka muuqda, laguna bedeley 10-ka qodob ee Cibraaniga,” ayuu yiri Tabari oo la hadlay warqaadka London-fadhiya ee al-Quds al-Arabi.

Mustafa Abbas, oo ah taariikhyahan kana soo jeeda Safad, ayaa isna sheegay in Masjidka Guduudan maanta loo adeegsado wax kasta oo aan Islaam shuqul ku lahayn, iyadoo la dhisay 1319-kii.

Wargayska Gulf News ayaa sheegay in masjidkani horay usoo maray howlo badan tan iyo dhismihii Israel 1948-kii. Waxaa bilowgii loo rogey dugsi ay Yuhuuddu ku barato Towreedka, kaddibna waxaa xafiis olole ka dhigtay xisbiga xag-jirka ah ee Kadima Party kahor intaan markale laga dhigin dukaan dharka lagu gado.

Hadalsame Media