MW Farmaajo & Axmed Madoobe oo kulan fool ka fool ah ku leh Dhuusamareeb (Waa ayo qofka kulankaa ka shaqeeyey?)

0

(Dhuusamareeb) 19 Luulyo 2020 – Madaxweynaha Somalia, Md Maxamed Cabdullahi Farmaajo & Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu warramayaa inay kulan gaar ah haatan ku leeyihiin Aqalka Madaxtooyada ee Galmudug, sida ay wararka maxalliga ihi sheegayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Md Xassan Cali Kheyrre, ayaa lagu warramayaa inuu dedaal badan geliyey sidii uu kulankani u suurtageli lahaa una qabsoomi lahaa.

Waxaa kale oo kulankan qayb ka ah ama ku wehlinaya qaar ka mid ah xubnaha sare ee Dowladda Faderaalka Somalia.

Sida aannu xogta ku heleyno, waxaa shirka kasoo baxaysa rejo ku aaddan in kulankan uu kasoo bixi karo is faham, taasoo noqon karta furista guntintii 1-aad ee khilaafka ka dhex jira DF Somalia iyo maamullada qaar, isla markaana dhalin karta in guud ahaan muwaafaqo lagu gaaro Shirka Dhuusamareeb ee laga dhur sugayo.

Wixii dheeraad ah halkan kala soco…

Hadalsame Media