FIID-COWL: Xilliga ay dhamaanayso lacagta SALIIDDA Carabta oo la saadaaliyey mana dheera!

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2020 – Waxaa is keeni la’ miisaaniyadda dalalka Carabta ah ee saliidda ku hodonka ah, marka laga reebo dalka yar ee Qadar, ma jiro dal kale oo isu miisaami kara kharashka iyo dakhliga soo gala.

Bishii Maajo, Dowladda Algeria ayaa ku dhawaaqday in ay kala bar dhimayso kharashaadka adeegga. RW Ciraaq oo ka mid ah dalalka ugu ballaaran soo saarista saliidda ee caalamka, waxaa uu doonayaa inuu dhimo mushaarooyinka. Cumaan waxay ku fashilantay inay kaash soo amaahato kaddib markii qaameheedii hore lagu calaameeyey kuwo xumaaday (Bad debt). Kuwait waxay miisaaniyaddeedu taban tahay 40% marka la eego wax soo saarka GDP, waana heerka ugu sarreeya caalamka.

Dhibaatada keentay inay saliiddu dhacdo ma aha mid ku gaar ah cudurka karoonaha oo qura, balse dunidii, gaar ahaan reer GALBEEDKA, ayaa usii siqaysa dhanka tamar ka nadiifsan saliidda, taasoo ka dhigan inay saliiddu rakhiis iska sii ahaan karo muddo dheer amaba laga dallici karo.

Madaxda Carabta ah ee saliidda soo saarana middaa qayb ahaan waa ka war qabaan oo 4 sanadood kahor ayay ahayd markii uu hoggaamiye beenaadka Sucuudiga ee Muhammad bin Salman, uu keenay hindisaha la yiraahdo  “Vision 2030” kaasoo uu uga gol leeyahay inuu dhaqaalaha Sucuudiga uga dhigo mid aan saliid uun ku tiirsanayn.

Yeelkeede, “2030 waxay noqotay 2020,” kaddib markii ay saliidda oo ay soo saaraan dalal badan oo Carbeed oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ay kasoo degtey $1tarilyan oo ay gooynaysey 2012-kii, balse ay ku dhowaatey kala bar sicirkaas oo ah $575bilyan sanadkii hore ee 2019, sida ay qabto IMF.

Bishii Febraayo, kahor intii aanu cudurka karoonuhu sooba gaarin Khaliijka, waxay IMF saadaalisay in Dalalka Iskaashiga Khaliijka (GCC) — Bahrain, Kuwait, Oman, Qatar, Saudi Arabia iyo Imaaraadku — ay abuurkooda duban doonaan oo ay ka bixi doonaan lacag dhan $2tarilyan oo doollar oo ah kaash kayd ahaan ugu yaalla marka la gaaro 2034.

Yeelkeede, waxaa taaba kasoo hor maray karoonaha iyo qiimihii saliidda oo dhulka galay, jeer ay fuustadii saliid ihi shilinba goyn waydey.

Halkan kasii akhri….

Hadalsame Media