Arrin QISH wayn naga siin karta suurtagalnimada qabsoomidda doorasho ”qof & cod ah” oo Somalia ka dhacday!

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2020 – War maanta soo baxay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Somalia ay diyaarad gaar ah u dirtay arday ku sugan magaalada Baraawe.

Ardaydaas ayaa la sheegayaa inuu shalay ka baaqday imtixaanka shahaadiga ah, sababo lagu sheegay in aan Baraawe lagu gali karin oo aan la faahfaahin.

Deeto dadweyne fara badan ayaa arrintan la tegey baraha bulshada, kuwaas oo DF ugu baaqayey inay ardaydaasi ay helaan xuquuqdooda.

Si kastaba, waxaa ay arrintani qish kooban balse qoto dheer naga siin kartaa sida ay xilliyada dhow u adag tahay in Somalia laga sameeyo doorasho ”qof iyo cod ah”, marka aad eegto isla dhacdadan aannu soo xusnay.

Waxaa sii dheer, in codayntu ay tahay mas’alo siyaasi ah, sidaa darteed, ay ka muuqan ogtahay arday imtixaan geleeysa marka la eego sida ay Soomaalidu iskugu shuqliso umuuraha siyaasadda ku teedsan, ee deeto xisaabta lagu daro wadciga amni ee dalka.

Waxaa sidaa darteed, habboon in marka hore la xalliyo caqabadaha hor yaalla in la oogo doorasho qof iyo cod ah, kahor inta aan la samaynin mid jilliin ah oo dul ka xaadis ah, balse aan waxba ka bedelin inay dadku codadkoodu si xor ah ugu ciil baxaan oo ah arrin uu qof kastaahi jecel yahay, balse waaqiciyad yar u baahan.

Hadalsame Media