Ifafaale ka muuqda Shirka Dhuusamareeb oo hal ARRIN noo odorasaya!

0

(Dhuusamareeb) 19 Luulyo 2020 – Waxaa isugu tegay oo ku shiraya dhinacyo qaarkood ay siyaasadda isku diiddanaayeen muddooyinkan.

Fadhiyadu waxay soo billowdeen 10 maalmood ka hor. Baaq fadhigi hore ka soo baxay ayaana jiray.

Ogaantey, Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirradu baaqaas kama hadlin (diidmo ama taageero). Iyadoo sidaa xaalku yahay ayay shirka tageen weliba si rac-rac ah oo way sii kala hormareen.

Markaan intaas isku daro waxaan u badinayaa in arrinka la shiilshiilay oo hadda la isugu tegay kelia ku dhawaaqista qodobbo hore loo gorfeeyay oo la isla sii bisleeyay. Waa marka aan ku misaamo sida maan-galka ah (rational).

“Wixii dhulka lagu xirto ayaa dhabarka la saartaa” ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa marka waxan is leeyahay haddaan wax la isu-soo dhowayn la isuma yimaadeen.

Si kastaba, way dhici kartaa in dhinac uu isku dayo inuu meel marsado wixii la isla sii meel dhigay wax ka baxsan taasoo keeni karta isku-dhac iyo in la kala boodo. Haddii luqaafadaas laga badbaado shirku si hagaagsan ayuu ku soo gagaboobi.

In qaybaha aan shirka joogini ay natiijada ku qancaan waxay ku xiran tahay nuxurka.

ALLAH SWT miraha shirkaas ha ka dhigo wax ummadda Soomaaliyeed maslaxad u ah.

Waxaa Qoray: Jaalle Indha-geelle

Hadalsame Media