”Waan idinla jirnaa!” – Somalia oo Turkiga u muujisay taageero niyadeed iyo mid siyaasadeed + Sawirro

0
(Muqdisho) 16 Luulyo 2020 – MW Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hiillo niyadeed u muujiyey dalka Turkiga oo shalay laga maamuusay sanad-guuradii 4-aad ee afgembigii dhicisoobey 15-kii Luulyo, 2016-kii.
“Waxaan Jamhuuriyadda aannu walaalaha nahay ee Turkey iyo MW Recep Tayyip Erdoğan, aan aniga oo ka wakiil ah dalkayga iyo taydaba idinkula biirayaa duco iyo xusuus ku fooggan shuhadadii naftooda u hurtay iyo shacabka geesiga ah ee Jahuuriyaddiina.” ayuu MW Farmaajo ku qoray Twitter
Dhanka Turkey, MW Recep Tayyip Erdogan, oo ay wehliyaan dad rayid ah oo la dagaallamay afgembigaas ayaa ubaxyo dhigay dhismaha madaxtooyada Ankara iyagoo u duceeyey dadkii dhintay iyagoo la diriraya afgembi ay ”Galbeedku hindiseen,” sida looga arko dalkaasi.

Waxaa Safaaradda Turkiga ee Muqdisho xalay lagu qabtay xaflad maamuus ahayd oo ay ka qayb galeen RW Xigeenka dalka iyo Wasiirro dhowr ah oo ka socda DF iyo Danjiraha Turkiga iyo diblomaasiyiin kale.

Fiidnimadii Luulyo 15, 2016, koox yar oo saraakiil sare ah, oo ka kooban xubnaha FETÖ, ayaa holliyey inay xilka xoog uga tuuraan dowladda la doortay isla markaana ay khaarajiyaan Erdoğan, oo xilligaa fasax ugu maqnaa degmada Marmari ee gobolka koonfur galbeed ee Muğla.
Dadkii afgembiga maleegey oo adeegsanayey hub culus oo ay ku jiraan dayuuradaha miigagga, halkabtarro iyo tawaangi, ayaa jidadka kala kulmay iska caabbin shacbawi ah, waxayna dileen 251 qof, halka ay dhaawaceen 2,200 kale.

Hadalsame Media