Taiwan oo 13 sano kaddib gantaal badeed nool ka riddey meel u dhow Shiinaha & dhoollatus socda+ Sawirro

0

(Taichung) 16 Luulyo 2020 – Ciidamada Xoogga Taiwan ayaa dhoollatus loo adeegsanayo rasaas iyo madaafiic nool maanta ka samaynaya magaalada bartamaha gasiiraddaa ku taalla ee Taichung, taasoo qayb ka ah dhoollatus dhacaya xilli ay sii sara kacayso xiisadda ka oogan marinka Badda Koonfureed ee Shiinaha.

MW Tsai Ing-wen ayaa lagu wadaa inay kasoo qayb gasho daawashada dhoollatuskaas, kaasoo loo dhigayo qaabka senaariyo ay iskaga daafacaan duullaan kaga yimid Ciidamada Shiinaha.

Dhoollatuska ayaa jiitami doona muddo 5 maalmood ah isagoo lasoo abyi doono maalinta Jimcaha ah ee soo aaddan.

Dhoollatuskan Han Kuang ayaa dib loo dhigay cudurka karoonaha dartii, kaasoo ay Taiwan si aad u wanaagsan ula xaashay una xakamaysay, iyadoo haatan ah karoona la’aan.

Arbacadii shalay ahayd, waxaa gantaal badeedka torpedo oo rasmi ah laga soo ridey gujis ay leeyihiin Ciidamada Badda Taiwan Navy, waana markii ugu horreeysey muddo 13 sanadood ah ee hubka noocaas ah loo adeegsado dhoollatus ay samaynayaan ciidamada Taiwan.

Hadalsame Media