Kayd biyoodka biya-xireenka Itoobiya oo buuxis lagu bilaabay & inta biyo ah ee buuxin kara (Khilaaf laga cabsi qabo)

0

(Addis Ababa) 15 Luulyo 2020 – Kayd biyoodka ka dambeeya Biya-xireenka lagu muransan yahay ee Grand Renaissance ee laga dhisay Niilka Buluugga ah ayaa buuxintii lagu bilaabay, maalin uun kaddib markii la isku mari waayey wada xaajood dhex maray Masar iyo Suudaan.

Wasiirka Biyaha Itoobiya, Seleshi Bekele, ayaa xaqiijiyey sawirro laga arkay dhanka Dayax Gacmeedka oo muujinaya heerka biyaha oo sare kacaya.

Itoobiya ayaana mashruucan u aragta mid muhim u ah koritaankeeda dhaqaale, balse Masar iyo Suudaan oo ah dalalka hoose ee uu webigu sii maro, ayaa dareensan inuu biya-xireenkani dhimi doono biyihii ay heli lahaayeen.

Wasiir Dibadeedka Masar, Sameh Shoukry, ayaa horay u sheegay in haddii buuxin lagu bilaabo biyaha webigan “ay taasi xiisadda sii cakiri doonto, isla markaana uu ka dhalan karo khilaaf uga dara gobolka awalba qasnaa”.

Khilaaf dhex mara Itoobiya iyo Masar ayaa halis gelin kara nolosha malaayiin dad ah.

Imisa ayuu ku buuxsami karaa?

Biya-xireenkan oo dhismihiisa la bilaabay 2011-kii, ayaa sanadka koowaad ceshan doona biyo gaaraya 4.9 bilyan oo mitir oo 3 jibbaaran, isagoo marka uu gaaro joog macquul ah la tijaabin doono turbiinnada 1-aad ee dabka dhalinaya.

Kayd biyoodkan ayaa sanadka 2-aad ceshan doona biyo dhan 13.5 bilyan oo mitir oo 3 jibbaaran.

Hadalsame Media