Maydka RW hore ee Somalia oo laga qaaday caasimadda Turkiga (Madax sare oo Turki & Soomaali ah oo…)

0

(Ankara) 15 Luulyo 2020 – Waxaa caawa gegada Esenboga ee magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga laga qaaday maydka RW hore ee Somalia, Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Maydka oo loo duulinayo Muqdisho ayaa waxaa garoonka kusii sagootiyey Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusuglu, Danjiraha Somalia u jooga Turkiga, Md Jaamac Caydiid, Danjirihii Turkiga ee Somalia, Md Olgan Bekar, shaqaalaha Safaaradda, Diblomaasiyiin Turki iyo Soomaali ah iyo ehelada marxuumka.

RW hore ee Somalia oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Somalia, ayaa loo diyaarinayaa maamuus qaran kahor inta aan la aasin.

Marxuumka ayaa ku geeriyoodey Turkiga oo uu ku xanuunsanayey ayaamihii dambe.

Hadalsame Media