RW Somalia iyo qaar ka mid ah madaxda maamullada oo ka degey Garoowe + Sawirro

0

(Ankara) 16 Luulyo 2020 – Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland, ka degey Ra’iisal Wasaare Somalia, Xasan Cali Kheyrre, kaasoo ay wehlinayaan Madaxweynayaasha maamullada Koonfur-galbeed iyo HirShabeelle.

Wefdigan ayaa ku biiraya madax kale oo Garoowe u tagtay ka qayb galka aaska RW hore ee Somalia, Xasan Abdhir Faarax oo dhowaan ku geeriyoodey dalka Turkiga, waxaana garoonka uga hor tegey MW Puntland, Siciid Deni.

Waxaa xalay gegada Esenboga ee magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga laga qaaday maydka RW hore ee Somalia, Marxuum Xasan Abshir Faarax, kaasoo ay saaka janaaso ku dukadeen madaxda DF Somalia oo uu ku jirey MW hadda iyo kuwii hore, markii uu marayey garoonka Muqdisho.

Waxaana loo sii qaadayaa dhanka Garoowe oo lagu aasi doono kaddib marka loo sameeyo maamuus qaran.

Waxaa maydka xalay garoonka Ankara kusoo sagootiyey Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusuglu, Danjiraha Somalia u jooga Turkiga, Md Jaamac Caydiid, Danjirihii Turkiga ee Somalia, Md Olgan Bekar, shaqaalaha Safaaradda, Diblomaasiyiin Turki iyo Soomaali ah iyo ehelada marxuumka.

Hadalsame Media