DAAHA GADAASHIISA: Qorshayaasha Maraykanka ee Somalia oo la qayaxay (Kaddib DF & Maamullada, DF & Al Shabaab oo wada hadla oo ka mid ah)

0

(Washington, DC) 16 Luulyo 2020 – Maraykanka ayaa la sheegay inuu istaraatijiyad dhab ah oo dhanka amaanka ah, balse si xaddidan u soconaysa ka leeyahay xasilinta dalka Somalia, sida uu faafiyey Aqalka Chatham House, oo diiradda saara umuuraha caalamiga ah.

Tan iyo 2006-dii, mabaadiida Washington ee Somalia waxay ku dhisnayd xadidaadda halista kooxda al-Shabaab, oo ah koox ku xiran Al-Qaeda, waxayna doonayaan inay taa ku gaaraan wadiiqooyin ciidan iyo mid siyaasadeed intaba.

DHANKA CIIDANKA – Maraykanka ayaa tababar iyo saanad siiya Ciidamada SNA ee Somalia, wuxuuna la fuliyaa weerarro cireed qoondaysan iyo howlgallo caadi ah. Waxay sheegeen inay kooxdaasi ku wiiqaantay dagaallada ay muddada dheer soo waddey oo ay adag tahay inay ka adkaato DF.

DHANKA SIYAADADDA – Washington waxay isku dayaysaa inay DF Somalia ka caawiso inay awood u yeelato inay iyadu la wareegto amaankeeda, isla markaana waxay ku dhinac wadaysaa taageero aadminnimo iyo mid horumarineed.

HESHIIS DHEX MARA DF IYO MAAMULLADA – Maraynkanka ayaa doonaya inay is fahmaan oo ay heshiis ballaaran oo dhanka amaanka ah wada gaaraan DF iyo maamullada, sidoo kalena, meel la iska dhigo doorashada Madaxwayne ee 2021-ka, (taasoo loo badinayo inay ku dhacdo qaab baarlamaani ah oo ay xildhibaannadu wax dooranayaan).

Maraykanka ayaa markaa kaddib doonaya in qaamaha laga daayo Somalia, si ay taasi Somalia u siiso mudnaan siyaasadeed oo caalami ah si ay usoo jiidato maalgashi iyo xiise caalami ah oo ku fooggan dhanka horumarinta iyo dib u dhiska. Marka taa lagu heshiiyo waxaa xigta tillaabo kale.

QORSHAHA XIGA – Maraykanka ayaa doonaya in marka uu wiiqo awoodda Shabaabka uu ku cadaadiyo inay wada xaajood toos ah oo siyaasadeed la galaan DF Somalia, si ay kaddib hubka iskaga dhigaan oo umadda ay laynayaan dhinac uga raacaan, sida ku qoran warbixinta.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media