(Madiina) 16 Luulyo 2020 – Saudi Arabia ayaa ku tilaabsaday arrin muran dhalisay kaddib markii ay ogolaansho siiyeen Vogue Arabia si ay gabdho moodallo ah oo caalami ii sawirro qaawanaan xigeen ah ugu soo bandhigaan buuraleeyda qadiimiga ah ee Al-Ula oo ka tirsan gobolka Madina.
Vogue Arabia, oo ah qaybta Carabiga ee majaladda xarragada caanka ku ah ee Maraykanka, waxayna soo bandhigeen sawirrada moodallo ay ku jiraan Kate Moss, Mariacarla Boscono, Candice Swanepoel, Jourdan Dunn, Amber Valletta, Xiao Wen iyo Alek Wek.
Sawirradan oo loogu magac daray, ‘24 saac iyo Al Cula,’ waxay gabadhuhu xirnaayeen dhar ku dheggan oo meelo ka muuq muuqda, waxayna ku dhex socdeen oo isku sawireen buurahan oo ka mid ah meelaha u diwaan gashan UNESCO, lana mid ah kuwa Urdun ku yaalla ee Petra.
Qaabka sawirradan loo qaaday ayaa lagu tilmaamay kuwo anshax xumo ah, maadaama ay meeshani 300 KM u jirto magaalada barakaysan ee Madiina Al Munawarah, isla markaana ay buurahani ku yaallaan isla gobolka laga xukumo magaaladaasi.
Dadwaynaha Muslimiinta ah ayaa arrintan aad ugu qaad qaaday dhanka Twitter-ka, iyagoo wax aan ku habboonayn Muslimiinta ku tilmaamay tillaabadan uu Sucuudigu qaaday.
Sucuudiga ayaa sheegay inay arrintani ka mid tahay isbedello uu sameeynayo, kuwaasoo ay ku jiraan in la dhimo booliiska anshaxa ama diinta, in la dhimo xadidaadda saaran is dheehidda labada jinsi iyo in la xooro shuruudaha gabdhaha ku waajibinaya inay xirtaan dharka asturan, taasoo qayb ka ah wax lagu sheego aragtida Sucuudiga ee 2030-ka oo uu wado MBS.
Lol who else remembers being excommunicated by hardcore “Salafis” for not supporting the ruling family in Saudi Arabia because “they defend Islam”? Is this what those horny Madkhali nutters were referring to? Scantily clad models posing near Medina?https://t.co/xoswF9LreX
— Tallha Abdulrazaq س (@TalAbdulrazaq) July 8, 2020
24 Hours in Al Ula, A Photoshoot That Becomes A Controversy https://t.co/A3KDNQUAeS
— Digital Phablet (@DigitalPhablet) July 14, 2020
24 Hours in Al Ula, A Photoshoot That Becomes A Controversy https://t.co/A3KDNQUAeS
— Digital Phablet (@DigitalPhablet) July 14, 2020
السعودية تخلي مجلة فوغ تصور عارضات ازياء في مدينة العلا التابعة لإمارة المدينة المنورة واخينا بالله اردوغان يحول متحف ايا صوفيا الى جامع!!!
24 Hours in Al Ula with Mônot and Kate Moss Revealed https://t.co/bl49kfTDBG via @VogueArabia— Samer Matti (@SamerMatti7) July 12, 2020
ياعزيزي معتز
هو رأيها … اتفق معك ولكن . عندما تكذب وترفق صورا مزيفه ليست بالسعوديه انما في وادي رم بالبتراء الاردن .. فماذا نسمي هذا !!! قل لي انت … هي علاوة على عدم انتمائيها للاسلام .. تغرد تنافح عن الاسلام وترفق صورا تخدش حياء الاسلام والمسلمين ..
عندما ترد استعمل عقلك .— أبوصالح الجطيلي (@fahadjutaily) July 12, 2020
Hadalsame Media