”Waxay xitaa samaysteen rasaas CAQLI leh!!” – UK oo ka walaacsan awoodda sii kordhaysa ee Turkiga sheegayna inuu jiro cadow cusub

0

(London) 16 Luulyo 2020 – Isaga oo tixraacaya dayuuradaha is wada ee Turkiga (UAV) ee wacdaraha ka dhigay Suuriya iyo Libya, iyo hubka elektaroonigga ah (EW) ee uu samaystay, Wasiirka Gaashaandhigga UK, Ben Wallace, ayaa yiri, “Xitaa haddii ay warkan qaybi ka run tahay, waa arrin bedeleeysa wejiga xaaladda.”

Wallace ayaa Arbacadii ka hadlayey kulan looga hadlayey cirka iyo hawada sare, isla markaana uu ifinayey tiknolojiyadda mustaqbalka loo adeegsanayo daafaca cirka iyo hawada sare, taasoo uu sheegay inay aad u hormareeyso.

DAAWO: Daroonka Turki sameega ah ee Bayraktar TB2 oo RIKOODH cusub dhigay + Sawirro

Reer Galbeedka oo la yaaban cashar ay daroonnada Turkigu ay Imaaraadka ugu dhigeen dalka Libya + Sawirro

Turkiga oo sameeyay daroon RAXAN RAXAN ah oo hal mar rushayn kara GUUTO ciidan ah + Sawirro

“Waa inaannu ka fikirnaa waxa soo socda,” ayuu yiri Wallace oo tilmaamay in sawirka dunidu uu iminka is rogayo oo ay soo baxayaan wax uu ku sheegay haliso cusub oo xagal kasta ka imanaya, sida uu yiri.

”Tusaale, maanta waa coronavirus, berri se waxay “noqon kartaa dagaal danabeed dhanka internet-ka ah,” ayuu farta ku fiiqay, isagoo sheegay in deg deg loogu baahan yahay tadawur tiknolojiyadeed oo aan la ogayn sida ay wax noqonayaan xitaa 2050.

“Waxaan u baahan nahay inaan dadka kale cashar ka baranno. Eeg Turkiga, wuxuu Libya u adeegsanayey Bayraktar TB-2 UAV ilaa bartamihii 2019-kii,” ayuu yiri Wallace oo sheegay inuu ku guulaystey inuu hawada ka ogaado kaddibna jaro wadiiqooyinkii saanadda ee ciidamada LNA oo ay ka duqeeyeen talisyadii muhimka ahaa.

“Ama ka baaraandega sida uu Turkigu Suuriya ugu adeegsadey dagaal danabeed cari ah (EW), daroonno fudud iyo rasaas caqliyaysan, si uu u joojiyo tawaangiga, hannaanka daafaca cirka iyo gawaarida gaashaaman ee Suuriya,” ayuu Wallace sharraxay.

FG: Rasaasta caqliyaysani ma aha midda caadiga ah ee iska raacda jihadii loo ridey, waxay bedeli kartaa jihada, xawaaraha isla markaana waxay diri kartaa xogo kala duwan.

Hadalsame Media