DHEGEYSO: Sida uu karoonuhu u saameeyey shaqooyinkii ay hayeen dhallinyarada Soomaalidu

0

(Stockholm) 14 Luulyo 2020 – Waxaa cirka isku sii shareereeysa shaqa la’aanta Sweden, sida ka muuqata tirakoob cusub oo kasoo baxay xafiiska Shaqada ee Arbetsförmedlingen.

Bishii tagtay ee Juun waxaa shaqooyinkii laga cayriyey qiyaastii 11 kun, kuwaasoo 3 meelood oo meel ka mid ihi ay yihiin shaqooyin wershadeed. Dadka ugu badanina waxay ku nool yihiin gobolka Stockholms län.

Waxaa dhallinyaradaa ka mid ah Idriis Max’uud Yuusuf oo ka shaqeeynayey hoteel oo ah xirfadaha uu cudurkani aadka u saameeyey iyo C/fitaax Maxamed Max’uud (C/qaasim) oo ka mid ah dadka hadba ku xiran baahida shaqo ee jirta (behovsanställd).

Gobollada ay shaqa la’aantu ugu badan tahay waxaa sidoo kale ka mid ah Sörmland, Skåne iyo Gävleborgs Län, halkaasoo ay shaqa la’aantu ka sare martay 11% bishii Juun.

Shaqo la’aanta dhallinyarada ayaa gaartey 71,000, taasoo 27,000 ka badan intii ay ahayd xilligan oo kale sanadkii tegey ee 2019kii. Sandra Offesson, oo ah falanqeeye dhanka suuqa shaqada ugu qaybsan Xafiiska Shaqada ayaana ka digeeysa inay xaaladdu ka sii dari karto dhanka dhallinyarada.

– Shaqo la’aanta dhallinyaradu waxay Febraayo 2021 dhaafi doontaa 95,000, kuwaasoo ay da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 24 jir. Taasi waxay la gudboon tahay boqolleey ah 16.9%, ayay tiri Sandra Offesson.

Waxaa sidoo kale kordhay tirada dadkii shaqo la’aanta ahaa 12kii bilood ee tegey iyo wixii ka badan, kuwaasoo iminka ku dhowaadey 161 kun, waana koror dhan 20 kun marka loo eego bishan oo kale sanadkii hore.

Hadalsame Media