SAWIRRO: RW Khayrre oo ka degey Dhuusamareeb (Madaxda Maamullada oo soo dhoweeyey marka laga reebo….)

0

(Dhuusamareeb) 14 Luulyo 2020 – Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka degey RW Somalia, Xasan Cali Khayrre oo goor aan fogayn ka duulay magaalada Muqdisho.

RW Khayrre ayaa halkaa u tegaya wejiga 2-aad ee shirka Dhuusamareeb oo lagu wado inuu halkaa ku dhex maro madaxda DF Somalia iyo kuwa maamullada dalka.

Waxaa Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre, si wadajir ah Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ugu soo dhoweeyey, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa ka maqnaa MW Puntland, iyadoo ay Madaxtooyada Puntland sheegtay in Deni dib ugu laabtay Puntland, si uu uga qeyb galo aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax & Madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi.

”Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Md Hassan Ali Khaire iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dowladda Federaalka ka socda ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Xafiiska RW.

MW Somalia, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa isna lagu wadaa inuu ku biiro shirka Dhuusamareeb oo dhowaan dib u furmaya, haddii ALLE idmo.

Hadalsame Media