”Ma iibsan kartaan!” Maamulka Garoowe oo ka hor yimid qorshe lagu ”xaraashi” rabo xarunta Baarlamanka Puntland (Sidee wax u jiraan?)

0

(Garoowe) 14 Luulyo 2020 – Gudoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa Magaaalada Garoowe, Md Axmer Siciid Muuse, ayaa si rasmi ah uga hor yimid qorshe ay wadaan Xildhibaannada Baarlaman Goboleedka Puntland oo laga sheegay inay ”xaraashayaan” xarunta baarlamanka.

Duqa ayaa diiday in ay awood u leeyihiin inay iibiyaan baarlamaanka oo uu sheegay inay u degganaaayeen si KMG ah, isla markaana uu dhulku yahay mid dadwayne oo ay Degmadu mas’uuliyadeeda leedahay.

”Xarunta Baarlamaanku degan yahay, waa hanti dadweyne oo degmada Garoowe leedahay. Baarlamaanku si ku meel gaar ah buu ugu sii shaqaynayey inta uu xarun rasmi ah oo uu leeyahay ka helayo,” ayuu yiri Muuse.

”Sidaa awgeed awood uma laha inuu iibiyo. Qoraal rasmi ah ayaan u diraynaa madaxda dawladda si xarunta loogu soo celiyo gacanta degmada, maadaama baarlamaanku ka maarmay.” ayuu daba dhigay.

YAA RA’YIGAN KEENAY? Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa lagu warramayaa inuu shalay Isniintii hindisahan ”xaraashka” horgeeyey xubnaha Golaha Wakiillada, waxaana la sheegay inuu soo jeediyey in sababo amaan dartood ay goobta uga wareegayaan, taasoo ka duwan war hore oo ahaa inay iskood u doonayaan inay ugu wareegaan halka ay u badan yihiin hay’aadkan maamulka.

Hindisahan oo la doonayo in dhaqaale laga sameeyo ayay Xilshibaanada qaarkood dood ka yara keeneen, waxaana saxaafadda laga saaray qaacada kalfadhiga oo ay mudo dood dheer ka lahaayeen xildhibaanadu.

Ugu dambayn, 31 mudane ayaa ”HAA” hindisahan xaraashka ah ugu codeeyey, 7 ayaa diidey, 3 kalena waa ka gaabsadeen, tiiyoo ay yaab leedahay inaysan jirin xarun usii diyaarsan oo ay u wareegayaan, haddii ay xarunta iibiyaan.

Baarlamaanka Puntland ayaa haatan lagu xantaa inay faraha kula jiraa musuq silsiladoobey, sidii ridistii guddoonkii hore ee Dhooba-Daareed oo ay ku baxday lacag dhan 950kun oo dollar, wareejintii Dekeda Bosaso ee DP WORLD iyo Ceyrintii Xukuumaddii Gaas oo ay ku qaateen 2 milyan oo dollar, sida ay sheegayaan ilo maxalli ah.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments